Tuesday, May 12, 2026
27.9 C
Mogadishu

Dowladda Kenya oo dib u qarameyneysa Shirkadda duullimaadyada dalkeeda

Nairobi (Halqaran.com) – Dowladda Kenya ayaa dejisay qorshe laba sano ah oo dib loogu qarameeynayo diyaaradda Kenya oo khasaaro badan galeysay sanadihii la soo dhaafay.

Baarlamaanka Kenya ayaa u codeeyay in dib loo qarameeyo diyaaradda kaddib khasaarihii iyo deymihii ay diyaaraddu gashay sanadkii 2014-kii.

Waxay aheyd 23 sano ka hor markii diyaaradda Kenya lagu wareejiyay ganacsato iyo bangiyo kala duwan oo maalgashi ku sameeystay shirkadda.

Dowladda Kenya ayaa saamileyda yaryar ee shirkadda ka iibsaneysa saamiyadooda oo u dhigma 3% saamiyada guud ee shirkadda, maadaama dowladda ay leedahay saami dhan 48% wax ayna markaa dowladda Kenya yeelan doontaa saamiga ugu badan shirkadda.

Guddiga gaadiidka ee baarlamaanka Kenya ayaa sheegay in ay saddex bilood u qabteen, wasaaradda gaadiidka Kenya in ay ka soo fikiraan xalna ka keenaan maamulka iyo saamiyada shirkadda Kenya Airways.

Ugu dambeyn, guul-darro ku timid qorshaha ballaarinta ee fashilmay ee shirkadda ayaa qasabtay in ay dib u amaahato lacag dhan 2 Bilyan oo doollar sanadkii 2007-dii, taas ayaana soo dedejisay soo jeedinta guddiga gaadiidka ee baarlamaanka Kenya.

Xafiiska Halqaran.com, Nairobi
Halqarannews@gmail.com 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

spot_img

More like this

Discipline: Anshax&Nidaamku waa Buundada U Dhaxaysa Himilada iyo Guusha.

  Fahamka guud ee "Discipline"  Nidaamka iyo Edebta,Qof ka iyo Bulshada. Qormadaani waxay si cilmi ah u falanqeynaysaa macnaha...

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya?

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya? Tan iyo markii  Dowladdii Dhaxe ee ugu  awooda badneyd  dowladaha Soomaray dhulka...

Maxkamadda Sare oo dil toogasho ah ku riday Sayid...

MUQDISHO(Halqaran.com)-Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta ku dhawaaqday go’aankeeda ku saabsan dacwaddii Eedaysane Sayid-Cali Macallin...