Tuesday, April 28, 2026
29.9 C
Mogadishu

Digniin ku socota ganacsatada Soomaaliyeed

General Cabdullaahi Xasan Bariise

Muqdisho (Halqaran.com) – Taliyaha hoggaanka ilaalinta canshuuraha iyo dhaqaalaha ciidanka booliska Soomaaliyeed Janeraal Cabdullaahi Xasan Bariise oo Axaddii maanta shir Jaraa‘id qabtay ayaa waxa uu digniin u diray Ganacsatada Soomaliyeed.

Taliyaha ayaa ganacsatada uga digay in ay sara u qaadaan maciishada Quutul-daruuriga ah, iyaga oo ka faa‘iideeysanaya dadaalka loogu jiro ka hortaga cudurka Corona Virus ee COVID 19.

Sidoo kale, taliyaha hoggaanka ilaalinta cashuuraha iyo dhaqaalaha Ciidanka Booliska ayaa sheegay in tallaabo laga qaadi doono qofka qaadan waayo digniinta ay u direen.

Hadalka ka soo baxay Hoggaanka ilaalinta cashuuraha iyo dhaqaalaha Ciidanka Booliska Soomaaliyeed Ganaraal Cabdulaahi Xasan Bariise ayaa waxaa uu kusoo aadey xilli dad badan ay walwal ka qabeen in maciisha kala duwan qiimahooda ay Ganacsatada kordhinayaan inta lagu guda jiro ka hortaga Caabuqa Coronavirus.

Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

spot_img

More like this

Discipline: Anshax&Nidaamku waa Buundada U Dhaxaysa Himilada iyo Guusha.

  Fahamka guud ee "Discipline"  Nidaamka iyo Edebta,Qof ka iyo Bulshada. Qormadaani waxay si cilmi ah u falanqeynaysaa macnaha...

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya?

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya? Tan iyo markii  Dowladdii Dhaxe ee ugu  awooda badneyd  dowladaha Soomaray dhulka...

Maxkamadda Sare oo dil toogasho ah ku riday Sayid...

MUQDISHO(Halqaran.com)-Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta ku dhawaaqday go’aankeeda ku saabsan dacwaddii Eedaysane Sayid-Cali Macallin...