Dhuusamareeb (Halqaran.com) – Shirkii maanta lagu waday in uu ka furmo Magaalada Dhuusamareeb ee Xarunta Maamulka Galmudug ayaa la soo sheegaya in dib u dhac uu ku yimid, illaa waqti aan la garanayn.
Madaxda Dowladda Federaalka iyo kuwa Dowlad Goboleedyada oo ku wada sugan Magaalada Dhuusamareeb ayaa lahaa shirkan, si ay xal ugu raadinayaan muranka hareeyay arrimaha doorashooyinka ee dalka.
Wararka ay helayso Halqaran.com ayaa sheegaya, in dib u dhaca waxa keenay uu yahay, iyadoo Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo Madaxda Dowlad Goboleedyada qaarkood, ay ku kala aragti duwan yihiin nooca doorasho, ee ay tahay in dalka laga qabto 2020/21.
Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa juhdi badan ku bixinaya, sidii ay doorashada dalka ka dhaceyso u noqon laheyd mid daahfuran.
Hase yeeshee waxaa taasi ka biyo diidan Madaxda Dowlad Goboleedyada qaarkood, oo ku doodaya inay taasi u baahan tahay muddo kordhin, sida ku cadba hababkii doorasho ay dhawaan soo bandhigtay Xaliimo Ismaaciil Ibraahim (Xaliimo Yarey), Gudoomiyaha Guddiga Madaxabannaan ee Doorashooyinka Qaranka.
Warar aan la xaqiijin ayaa sheegaya in la sii wadi doono kulamadii gaar gaar ahi ee shalay illaa xalay ka soconayay Magaalada Dhuusamareeb, illaa iyo inta meel dhexe la isaga imaanayo.
Ma cadda goorta uu shirka dib uga furmi doono Magaalada Dhuusamareeb, waxaase la aaminsan yahay inay aad u yar tahay rajada laga qabi karo in uu miro dhalo wejiga 2aad ee shirka.
Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com





