Tuesday, September 15, 2026
25.5 C
Mogadishu

Dhuusamareeb: Xildhibaannada cusub ee Baarlamaanka maamulka Galmudug oo galabta la dhaariyay +(SAWIRRO)

Dhuusamareeb (Halqaran.com) – Xildhibaanada cusub ee Baarlamaanka Galmudug ayaa Axaddii galabta lagu dhaariyay munaasabad ka dhacday Magaalada Dhuusamareeb ee Xarunta Maamulka Galmudug.

Guddiga Farsamada ee dhismaha Galmudug ayaa waxay Jimcihii soo bandhigeen liis ay ku qoran yihiin magacyada saddex iyo sideetan xubnood oo ka mid ah sagaalka iyo sideetanka xubnood ee Baarlamaanka Galmudug uu ka kooban yahay.

Sida ay sheegeen guddiga Farsamada waxay lixda xubnood ee ka harsan tirada guud ee Baarlamaanka Galmudug, ay soo bandhigi doonaan, marka ay u soo gudbiyaan Odayaasha Dhaqanka, ee ku hawlan soo xulista Xildhibaanada.

Inta badan Xildhibaanadan oo lagu murunsan yahay dhabaha loo maray soo xulistooda ayaa waxay galabta Kitaabka Alle ugu dhaarteen inay si daacada ugu adeeggi doonaan dalka iyo dalka.

Magaalada Dhuusamareeb ayaa waxaa ka taagan diidmo ay Odayaasha Dhaqanka ee beelaha degga Galmudg qaarkood ka keeneen soo xulista Xildhibaanada Baarlamaanka, kuwaa oo ku doodaya in la musuq maasuqay.

Beelaha qaarkood ayaaba sheegaya in laga musuq maasuqay qoondadii ama kuraastii ay ku lahaayen Baarlamaanka Galmudug.

Madaxweynaha Galmudug, Axmed Ducaale Geelle Xaaf oo si adag uga soo horjeestay Xildhibaanada looga dhawaaqay Magaalada Dhuusamareeb ayaa sheegay inay la xisaabtami doonaan ciddii ka dambeysay.

Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

spot_img

More like this

Discipline: Anshax&Nidaamku waa Buundada U Dhaxaysa Himilada iyo Guusha.

  Fahamka guud ee "Discipline"  Nidaamka iyo Edebta,Qof ka iyo Bulshada. Qormadaani waxay si cilmi ah u falanqeynaysaa macnaha...

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya?

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya? Tan iyo markii  Dowladdii Dhaxe ee ugu  awooda badneyd  dowladaha Soomaray dhulka...

Maxkamadda Sare oo dil toogasho ah ku riday Sayid...

MUQDISHO(Halqaran.com)-Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta ku dhawaaqday go’aankeeda ku saabsan dacwaddii Eedaysane Sayid-Cali Macallin...