Wednesday, April 22, 2026
26.4 C
Mogadishu

DHAGEYSO: Madaxweyne Ismaaciil Cumar Geelle oo si cajiib ah uga hadlay loolanka kala dhaxeeya Kenya

Madaxweynaha Jabuuti, Mudane Ismaaciil Cumar Geelle

New York (Halqaran.com) – Madaweynaha Jamhuuriyadda Jabuuti, Ismaaciil Cumar Geelle ayaa ka hadlay tartanka ay dawladdiisu kula jirto dawladda Kenya ee ku aaddan kursiga aan joogtada ahayn ee Qaramada Midoobey.

Madaxweyne Ismaaciil Cumar Geelle ayaa sheegay in xiriirka wanaagsan ee ka dhexeeya labada dawladood aysan wanaagsanayn in uu u xumaado sabab la xiriirta tartanka kursigaas ee ay ku tartamayaan.

Sidoo kale, madaxweynaha ayaa waxa uu cambaareeyay qaar ka mid ah dalalkii ka tirsanaa Midowga Afrika, kuwaas oo Kenya ugu codeeyay 21-kii bishii August in ay ku guulaysato kursiga aan joogtada ahayn ee golaha ammaanka Qaramada Midoobey.

Sii Akhri Wararka Kale ee Maanta oo Xiiso gaar ah Leh:



Mr. Geelle ayaa sheegay in dawladda Jabuuti aysan wali tanaasulin oo ay sugayso in ay Golaha Ammaanka ugu tartanto.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Jabuuti Ismaaciil Cumar Geelle ayaa hadalkan ku sheegay, wareysi uu siiyay laanta Af Soomaaliga ee VOA-da. Waxayna noqoneysaa kii ugu horeeyay ee uu kaga hadlo kursigaas oo ay Kenya kula tartamayso dawlada Jubuuti.

Halka Hoose ka Daawo Codka Madaxweyne Geelle:

Xafiiska Halqaran.com, Nairobi
Halqarannews@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

spot_img

More like this

Discipline: Anshax&Nidaamku waa Buundada U Dhaxaysa Himilada iyo Guusha.

  Fahamka guud ee "Discipline"  Nidaamka iyo Edebta,Qof ka iyo Bulshada. Qormadaani waxay si cilmi ah u falanqeynaysaa macnaha...

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya?

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya? Tan iyo markii  Dowladdii Dhaxe ee ugu  awooda badneyd  dowladaha Soomaray dhulka...

Maxkamadda Sare oo dil toogasho ah ku riday Sayid...

MUQDISHO(Halqaran.com)-Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta ku dhawaaqday go’aankeeda ku saabsan dacwaddii Eedaysane Sayid-Cali Macallin...