
Muqdisho (Halqaran.com) – Guddoomiyaha Guddiga madaxa bannaan ee doorashooyinka Qaranka Xaliima Ismaaciil Ibraahi (Xaliima Yareey) oo maanta shir jaraa’id Warbaahinta u qabatay ayaa waxa ay labada gole ee Baarlaaanka federalka Soomaaliya ka dalbatay in ay dadajiyaan meel marinta dib u eegista sharciga xisbiyada si ay ugu gudbaan xisbiyo sax ah oo ay kumeel gaarnimada uga soo gudbaan ugana qeyb galaan doorashada 2020-2021.
Xaliima Yarey ayaa sheegtay in ay muhiim tahay in xisbiyada sida kumeel gaarka ah isku diiwaan galiyay ay soo buuxiyaan shuruudaha looga baahan yahay si ay ugu gudbaan xisbi rasmi ah.
Guddoomiyaha Guddiga madaxa bannaan ee doorashooyinka Qaranka ayaa ugu baaqday golaha isku dhafka ah ee u xilsaaran sugidda amniga doorashooyinka dalka in ay diyaariyaan qorshayaasha ay ku howlgalayaan ee sugidda amniga doorashooyinka.
Ugu dambeyn, waxay shacabka Soomaaliyeed ka dalbatay in ay ka qayb qaataan xaqiijinta iyo hergalinta howlaha muhiika u ah doorashada la filaayo in dhawaan ay dalka ka dhacdo.
Halka hoose ka dhageyso Shirka Jaraa’id ee Xaliimo Yareey:
Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com





