DHAGEYSO WARBIXIN XIISO LEH: Guulaha Siyaasadeed ee Haweenka Soomaaliyeed ee dalka Mareykanka

 

Minnesota (Halqaran.com) – Ilaa iyo dhowr qof oo haween Soomaaliyeed ah oo ay ugu horreyso Ilhaan Cumar oo xubin ka ah Aqalka Hoose ee Mareykanka ayaa ku biiray siyaasadda dalkan Mareykanka.

Naadiya Cabdirisaaq Maxamed oo Talaadadii loo doortay golaha deegaanka ee magaalada St Louis Park ee gobolka Minnesota iyo Safiya Khaalid oo iyana loo doortay golaha deegaanka ee magaalada Lewiston ee gobolka Maine ayaa soo hooyay guulihii ugu danbeeyey ee gabdhaha Soomaaliyeed ay ku hantaan xilal siyaasadeed oo si toos ah shacabku ugu doorteen.

Guulahan siyaasadeed ee ay gaareen gabdhaha Soomaaliyeed ee ku nool Mareykanka iyo Yurub ayaa indhaha ku soo jeedisay saamiga yar ee haweenka Soomaaliyeed ay ka helaan Soomaaliya oo ah halka ay asal ahaan gabdhahan ka soo jeedaan.

Laabta Af Soomaaliga ee VOA-da ayaa warbixin xiiso leh ka diyaarisay arrintan, waxaana soo jeedinaya Sahra Cabdi Axmed oo ka tirsan VOA-da.

Halka hoose ka dhageyso warbixinta:

Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com