Tuesday, April 21, 2026
29.9 C
Mogadishu

DAAWO SAWIRRO: Sidee ugu suurta-gashay ITOOBIYA inay hesho xilka Xoghayaha fulinta ee IGAD?

Addis Ababa (Halqaran.com) – Wasiirkii hore ee Wasaaradda Arrimaha Dibadda Itoobiya ayaa si rasmi ah ula wareegay xilka Xoghayaha fulinta IGAD, xilkaas oo uu dhawaan u magacaabey Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya Abiy Axmed.

DF Soomaaliya oo loolan adag ugu jirtay heliada xilkaas ayaa waxaa ay u sharaxday Wasiirkii hore ee arrimaha dibadda Cabdisalaam hadliye Cumar, hayeeshee dowladaha Kenya iyo Itoobiya oo isku wareejiyey xilalka xoghayaha iyo guddoonka IGAD ayaa markale waxaa ay la wareegeen labadaasi xil.

Xogheyaha fulinta IGAD ayaa waxaa horay u ahaa Maxbuub Macalin, waxaana haatan uu xilka si rasmi ah ugu wareejiyey Xoghayaha Cusub ee Fulinta IGAD Dr Workneh Gebeyehu.

Shir ay dhawaan ku yeesheen Madaxda Urur Goboleedka IGAD Magaalada Addis Ababa ayaa waxaa laga shaaciyey in Soomaaliya u tanaasushay Itoobiya, balse Jabuuti ay diiday taas oo keentay in Ra’iisul Wasaare Abiy Axmed uu safar deg deg ag ku tago si uu u qanciyo.

Ugu dambeyn, dalalka Kenya iyo Itoobiya ayaa waxaa ay kala hoggaamin doonaan Xoghayaha Fulinta IGAD iyo Guddoonka IGAD oo dhawaan uu la wareegi doono Madaxweynaha Kenya Uhuru Kenyatta.

DAAWO MUUQAALLO KALE ,Sii Akhri Wararka Kale ee Maanta:

Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

spot_img

More like this

Discipline: Anshax&Nidaamku waa Buundada U Dhaxaysa Himilada iyo Guusha.

  Fahamka guud ee "Discipline"  Nidaamka iyo Edebta,Qof ka iyo Bulshada. Qormadaani waxay si cilmi ah u falanqeynaysaa macnaha...

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya?

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya? Tan iyo markii  Dowladdii Dhaxe ee ugu  awooda badneyd  dowladaha Soomaray dhulka...

Maxkamadda Sare oo dil toogasho ah ku riday Sayid...

MUQDISHO(Halqaran.com)-Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta ku dhawaaqday go’aankeeda ku saabsan dacwaddii Eedaysane Sayid-Cali Macallin...