DHAGEYSO: Rag kufsi kula kacay Wiilal yaryar oo lagu toogtay Baydhabo +(WAREYSI)

Baydhabo (Halqaran.com) – Laba Nin oo fal kufsi ah u geystay Wiilal yar yar ayaa Talaadada maanta ah lagu toogtay magaalada Baydhabo ee xarunta gobolka Baay, kaddib markii ay qirteen inay ka dambeeyeen falkaasi foosha xun.

Raggan oo bishii hore falkaasi geystay ayaa la soo taagay maxkamad, kaddibna xukunkan lagu riday, iyadoona la sheegay inay horey u geysteen fal noocan oo kale ah.

Maamulka Koonfur Galbeed Soomaaliya ayaa War kasoo saartay dil toogasho ah oo Maanta ka dhacay Magaalada Baydhabo, kaasi oo lagu fuliyay laba Nin oo fal kufsi ah ka geystay gudaha Magaaladaas.

War qoraal ah uu soo saaray Wasaaradda Cadaalada Koonfur Galbeed Maxamud Xuseen Xasan ayaa waxaa uu ku sheegay in Maamulka marnaba uusan oggolaan doonin in deegaanka laga sameeyo fal fool xun oo ka hor-imaanaya diinteenta iyo dhaqanka.

Sidoo kale, qoraalka ayaa lagu sheegay in cid kastoo ficil fool xun sameysa ay wajihi doonto Cadaalada, isla markaana laga qaadi doono tallaabo sharciga waafaqsan.

“Marnaba ma ogolaandoono cid kasta oo ku howlan inay wax u dhimaan diinteena, dhaqankeena, bulshadeena iyo amnigeena, cid kastoo ficil fool xun sameysa waxa ay wajahi doonaan talaabo ku haboon oo caddaalada ayaa la marsiin doonaa sida tan maan dhacdey oo kale” ayuu yiri Wasiirka Caddaalada Koonfur Galbeed.

Sidoo kale, wasiirka warfaafinta maamulka Koonfur Galbeed Soomaaliya, Ilyaas Siciid Cali oo la hadlay laanta Af Soomaaliga ee BBC-da ayaa sheegay in dad kale oo arrimahaas loo soo xiray ay jiraan.

Ugu dambeyn, Shacabka ku dhaqan magaalada Baydhabo ayaa aad u hadal haya dhacadan maanta lagu toogtaay labadaasi nin ee kufsi u geystay ilmo yar, iyagoona xusay inay aad u soo dhaweynayaan xukunkii lagu fuliyay raggaasi.

Halka hoose ka dhageyso Wareysiga Wasiirka warfaafinta ee K/Galbeed Ilyaas Siciid Cali:

Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com