Garoowe (Halqaran.com) – Xeer Ilaaliyaha Guud ee maamulka Puntland, Maxamuud Xasan Aw Cismaan ayaa faah-faahin ka bixiyay xariga magaalada Garoowe loogu gaystay Axmed Sheekh Maxamed (Tallman), Agaasimihii hore ee Radio Daljir.
Ciidamada Booliska Puntland ayaa Khamiistii xabsiga u taxaabay Agaasimaha Radio Daljir, iyadoona lagu soo xiray amar maxkamadeed.
Xeer Ilaaliyaha Guud ee Puntland oo maanta shir jaraa’id ku qabtay Magaalada Garoowe ayaa sheegay in Weriyaha lagu haysto dembi uu ka galay laamaha ammaanka ee Puntland.
Xeer Ilaaliyaha ayaa sheegay in Agaasimihii Radio Daljir uu si cad ugu xadgudbay sharciga Puntland, taasina ay tahay mid keentay in xilligan xabsiga loo taxaabo.
Waxaa uu tibaaxay ka hor inta aan la soo xirin Weriyaha ay guddi u xil saareen kiiskiisa, si ay baaritaan ugu sameeyan, markii ay baaritaanka soo afjareyna ay codsadeen in la soo xiro.
Maxamuud Xasan Aw Cismaan, Xeer Ilaaliyaha Guud ee Puntland ayaa intaa ku daray in maalinta Isniinta oo taariikhduna ku beegan tahay 21-ka bisha October ay Maxkamadda horkeeni doonaan Weriye Tallman.
Weriye Tallman ayaa waxaa loo haystaa warbixin laga sii daayay Radio Daljir bishii hore ee September, xilli uu markaasi ku magacawnaa Agaasimaha Radio Daljir. Warbixinta ayaa ka hadleysay nin maxbuus ahaa oo sida la sheegay ay xabsiga ku dhex dileen Ciidamada Booliska Boosaaso.
Ururka Saxafiyiinta Puntland ayaa si xoogan u cambaareeyay tallaabada lagu xiray Agaasimihii hore ee Radio Daljir, Axmed Sheekh Maxamed (Tallman), waxayna ku baaqeen in dib xoriyadiisa loogu soo celiyo.
Halka Hoose ka dhageyso Codka Xeer-ilaaliyaha guud ee Puntland:
Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com