Muqdisho (Halqaran.com) – Saxafiyiinta ka hawlgala Warbaahinta madaxabannaan ee ku yaala Magaalada Muqdisho ayaa waxay ka horyimaadeen amarka ka soo baxay Golaha Shacabka ee loogu diiday ka qaybgalka kulamada Golaha Shacabka.
Guddoomiye Ku-xigeenka 1aad ee Golaha Shacabka, Cabdiweli Sheekh Ibraahim Muudey ayaa Weriyeyaasha ka hawlgala Warbaahinta gaarka loo leeyahay ku wargeliyay laga bilaabo maanta in aanay soo xaadiri karin kulamada Golaha Shacabka.
Guddoomiye Ku-xigeenka Golaha Shacabka ayaa tani ku sababeeyay inaanay jirin meel Weriyeyaasha looga diyaariyay Xarunta cusub ee Golaha Shacabka, oo ku dhex taala Aqalka Madaxtooyada ee Villa Soomaaliya.
Xildhibanaada Golaha Shacabka ayaa maanta kulankoodii ugu horeeyay ee Kalfadhiga lixaad ee Golaha Shacabka ku yeeshay Xarunta Villa Hargeysa, oo sida la sheegay maanta ka dib lagu qabanayo kulamada Golaha Shacabka.
Hadaba Weriyeyaasha oo xalay lagu wargeliyay in ay ka soo qaybgalaan kulanka Xildhibaanada Golaha Shacabka ayaa markii ay taggeen Xarunta Villa Hargeysa lagu wargeliyay inaanan maanta kadib looga baahnayn tebinta wararka Golaha Shacabka.
Halka hoose ka daawo sida weriyeyaasha uga falceliyeen:
Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com