Garowe (Halqaran.com) – Dowlad Goboleedka Puntland ayaa hakiyey in muddo ah kulamada Siyaasadeed iyo Goobaha la sigu yimaado ee deegaannada Maamulkaas sababo la xiriira ka hortaga cudurka Coronavirus.
Madaxweynaha maamulka Puntland Siciid Cabdullaahi Deni ayaa amrey in la joojiyo Xafladaha, sida rooska, kuwa Farxada iyo dhammaan isu imaatinada.
Sidoo kale, Saciid Deni waxa uu farey Xubnaha Golaha wasiirrada inaysan qaban karin kulamo.
Dhammaan dadka ku nool deegaannada Puntland iyo dadka ka tirsan Xukuumadda ayuu ugu baaqay inay taxadir muuujiyaan, waxaana uu Madaxweyne Deni uu ku dhawaaqay in muddo 15 Cisho ah la joojiyo Shaqooyinka Maamulka.
Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa horey u joojisey duulimaadyada Caalamiga ah ee yimaada Soomaaliya iyo kuwa ka baxa,shirarka iyo Goobha la isugu yimaado, sidoo kalena ay dowladdu fasaxdey Shaqaalaheeda.
Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com






