Saturday, June 27, 2026
25.1 C
Mogadishu

DHAGEYSO: Maxay tahay Sababta ay Jubbaland u qaadacday Shirka maanta ka furmay Muqdisho + (Ogow Xog)!

Kismaayo (Halqaran.com) – Dowlad goboleedka Jubbaland ayaa qaadacay Shirka Madasha Iskaashiga Somaliya oo maanta ka furmay Magaalada Muqdisho, xilli Puntland ay mar sii horeysay qaadacay shirkaasi.

Shirkan ayaa waxaa ka qaybgalaya wakiilo ka socdo in ka badan konton dowladood oo taageera Somaliya, waxaana maanta Magaalada Muqdisho ka furay Ra’iisal Wasaare Kuxigeenka Dalka, Mahdi Maxamed Guuleed (Khadar).

Suxufiyiinta Magaalada Muqdisho ayaa soo sheegaya in shirkan looga hadlayo arrimo ay ka mid yihiin dhaqaalaha, amniga, siyaasadda iyo cadaaladda.

Wasiirka Maaliyadda Jubbaland Cabdirashiid Jirre Qalinle oo maanta shir jaraa’id ku qabtay Magaalada Kismaayo ayaa sheegay in nidaamka Jubbaland loogu martiqaaday shirka uu yahay mid khaldan.

Wasiirka ayaa intaa ku daray in barraha bulshada oo qura ay ku arkayn casuumadda Jubbaland, xilli sida uu sheegay la doonaayay in xiriir lala soo sameeyo Madaxweynaha Jubbaland, si sharaf lehna loogu soo martiqaado shirka.

Wasiirka Maaliyadda Jubbaland ayaa sheegay sidaasi daraadeed inaanay Jubbaland doonayn in ay ka qaybgasho Madasha Iskaashiga Somaliya, oo diiradda lagu saarayo arrimo muhiim ah.

Si kastaba, maamulka Puntland ayaa kol sii horeysay qaadacay shirka ka furmay Magaalada Muqdisho, xilli Dowladda Federaalka Somaliya ay casuumaad u dirtay Madaxweynaha Puntland, Siciid Cabdullaahi Deni.

Halka Hoose ka dhageyso wareysiga:

Xafiiska Halqaran.com, Kismaayo
Halqarannews@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

spot_img

More like this

Discipline: Anshax&Nidaamku waa Buundada U Dhaxaysa Himilada iyo Guusha.

  Fahamka guud ee "Discipline"  Nidaamka iyo Edebta,Qof ka iyo Bulshada. Qormadaani waxay si cilmi ah u falanqeynaysaa macnaha...

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya?

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya? Tan iyo markii  Dowladdii Dhaxe ee ugu  awooda badneyd  dowladaha Soomaray dhulka...

Maxkamadda Sare oo dil toogasho ah ku riday Sayid...

MUQDISHO(Halqaran.com)-Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta ku dhawaaqday go’aankeeda ku saabsan dacwaddii Eedaysane Sayid-Cali Macallin...