DHAGEYSO: Madaxweyne Koonfur Galbeed oo hor-dhigay RW Kheyre Saddex arrimood uu ka doonayo in loo fulayo. (Maxay yihiin?)

Baydhabo (Halqaran.com) – Madaxweynaha dowlad goboleedka Koonfur Galbeed, Mudane Cabdicasiis Xasan Maxamed (Lafta-gareen) ayaa Sabtidii maanta khudbad ka jeediyey isu soo bax lagu soo dhaweynayey ra’iisul wasaare xukuumadda Federaalka ah ee Soomaaliya, Xasan Cali Khayre oo gaarey Baydhabo.

Boqolaal ruux ayaa ka qeybgalay isu soo baxa, kaasoo lagu qabtay garoonka kubadda cagta xarunta ku meel gaarka dowlad goboleedkaasi.

Lama oga illaa iyo hadda waxa uu yahay ujeedka socdaalka ra’iisul wasaare Kheyre ee uu ku tagay magaalada Baydhabo, balse waxaa lagu macneeyay mid lagu xoojinayo xiriirka dowlada iyo maamulkaasi.

DAAWO MUUQAALLO KALE ,Sii Akhri Wararka Kale ee Maanta:



Madaxweyne Cabdicasiis Lafta-gareen oo hordhigay wasiirka koowaad ee xukuumadda federaalka ah saddex arrimood oo uu doonayo in laga caawiyo sidii maamulkiisa wax uga qaban lahaa ayaa ku kala sheegay amniga, cadaaladda iyo horumarka.

Ugu dambeyn, Villa Soomaaliya ayaa xiriir wanaagsan la leh maamulka Koonfur Galbeed, waxaana la rumeysan yahay in uu ka mid yahay qorsheyaasha ay dooneyso in ay madaxdeeda dib ugu soo laabtaan kuraasta doorashada soo aadan.

Codka Madaxweyne Lafta-gareyn ka dhageyso qeybta hoose:

Xafiiska Halqaran.com, Muqdisho
Halqarannews@gmail.com