Friday, December 12, 2025
26.2 C
Mogadishu

DHAGEYSO: Madaxweyne Koonfur Galbeed oo hor-dhigay RW Kheyre Saddex arrimood uu ka doonayo in loo fulayo. (Maxay yihiin?)

Baydhabo (Halqaran.com) – Madaxweynaha dowlad goboleedka Koonfur Galbeed, Mudane Cabdicasiis Xasan Maxamed (Lafta-gareen) ayaa Sabtidii maanta khudbad ka jeediyey isu soo bax lagu soo dhaweynayey ra’iisul wasaare xukuumadda Federaalka ah ee Soomaaliya, Xasan Cali Khayre oo gaarey Baydhabo.

Boqolaal ruux ayaa ka qeybgalay isu soo baxa, kaasoo lagu qabtay garoonka kubadda cagta xarunta ku meel gaarka dowlad goboleedkaasi.

Lama oga illaa iyo hadda waxa uu yahay ujeedka socdaalka ra’iisul wasaare Kheyre ee uu ku tagay magaalada Baydhabo, balse waxaa lagu macneeyay mid lagu xoojinayo xiriirka dowlada iyo maamulkaasi.

DAAWO MUUQAALLO KALE ,Sii Akhri Wararka Kale ee Maanta:



Madaxweyne Cabdicasiis Lafta-gareen oo hordhigay wasiirka koowaad ee xukuumadda federaalka ah saddex arrimood oo uu doonayo in laga caawiyo sidii maamulkiisa wax uga qaban lahaa ayaa ku kala sheegay amniga, cadaaladda iyo horumarka.

Ugu dambeyn, Villa Soomaaliya ayaa xiriir wanaagsan la leh maamulka Koonfur Galbeed, waxaana la rumeysan yahay in uu ka mid yahay qorsheyaasha ay dooneyso in ay madaxdeeda dib ugu soo laabtaan kuraasta doorashada soo aadan.

Codka Madaxweyne Lafta-gareyn ka dhageyso qeybta hoose:

Xafiiska Halqaran.com, Muqdisho
Halqarannews@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

spot_img

More like this

Discipline: Anshax&Nidaamku waa Buundada U Dhaxaysa Himilada iyo Guusha.

  Fahamka guud ee "Discipline"  Nidaamka iyo Edebta,Qof ka iyo Bulshada. Qormadaani waxay si cilmi ah u falanqeynaysaa macnaha...

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya?

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya? Tan iyo markii  Dowladdii Dhaxe ee ugu  awooda badneyd  dowladaha Soomaray dhulka...

Maxkamadda Sare oo dil toogasho ah ku riday Sayid...

MUQDISHO(Halqaran.com)-Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta ku dhawaaqday go’aankeeda ku saabsan dacwaddii Eedaysane Sayid-Cali Macallin...