Thursday, July 16, 2026
26.2 C
Mogadishu

DHAGEYSO: M/weynaha Somaliland ‘Muuse Biixi’ oo si kulul ugu jawaabay hadalkii Madaxwenyne Farmaajo oo..

Hargeysa (Halqaran.com) – Madaxweynaha Somalilnad, Mudane Muuse Biixi Cabdi ayaa ka jawaabay hadalkii uu Madaxweynaha JF Soomaaliya, Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo xalay sheegay ee ahaa in Somaliland asyan ka go’een Soomaaliya inteeda kale.

Mar uu xalay Madaxweyne Farmaajo marti ku ahaa barmaamij Dood Cilmiyeed oo uu soo agaasimay Machadka Raas ayaa sheegay in midnimada Soomaaliya ay tahay muqadas, balse Somalinad muddo 30 sano ah aqoonsi raadinayaan welina helin, islamarkaana aysan jirin wadan Afrikan ah oo kala go’aya.

Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi oo Axadda maanta ah soo xirayay tababar macallinimo ayaa sheegay in Madaxweyne Farmaajo uusan ka hadli Karin Midnimada Soomaaliya, islamarkaana isaga uu yahay qofka wax ka socon la’yihiin.

“Shantii Soomaaliyeed inay midoobaan reer Somaliland kow bay ka yihiin, laakiin Caqliga siyaasiyiinta Xamar jooga iyo 5 madaxeyne ma yahay kii Soomaali isu keeni lahaa?… Farmaajo waxa aan leeyahay ha tilmaamin midnimo waa adigii taababka u jaraye”.

Ugu dambeyn, Somaliland ayaa aamisan inay ka go’day Soomaaliya inteeda kale, welina mahin aqoonsi, balse ay xusid mudan tahay in aysan ku shaqeyn amarada kasoo baxa Madaxda Dowladda Federaalka Soomaaliya.

Halka hoose ka dhageyso Codka Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi:

Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

spot_img

More like this

Discipline: Anshax&Nidaamku waa Buundada U Dhaxaysa Himilada iyo Guusha.

  Fahamka guud ee "Discipline"  Nidaamka iyo Edebta,Qof ka iyo Bulshada. Qormadaani waxay si cilmi ah u falanqeynaysaa macnaha...

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya?

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya? Tan iyo markii  Dowladdii Dhaxe ee ugu  awooda badneyd  dowladaha Soomaray dhulka...

Maxkamadda Sare oo dil toogasho ah ku riday Sayid...

MUQDISHO(Halqaran.com)-Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta ku dhawaaqday go’aankeeda ku saabsan dacwaddii Eedaysane Sayid-Cali Macallin...