Saturday, July 18, 2026
26.9 C
Mogadishu

DHAGEYSO: Duqa Muqdisho ‘Cumar Filish’ oo Digniin culus u diray Shacabka magaalada Muqdisho

Duqa Muqdisho, Cumar Filish

Muqdisho (Halqaran.com) – Cumar Maxamuud Maxamed (Cumar Filish, guddoomiyaha gobolka Banaadir, ahna duqa Muqdisho, ayaa digniin culus u diray shacabka ku nool caasimadda Muqdisho.

Duqa Muqdisho, oo maanta la hadlay warbaahinta ayaa amar adag ka soo saaray qashika lagu shubo goobaha aan munaasabka aheyn ee magaalada Muqdisho.

Cumar Filish, ayaa sidoo kale digniin u diray shirkadaha qashinka qaada ee aan ka diiwaangashaneyn dowladda hoose ee Xamar.

Guddoomiyaha gobolka Banaadir ayaa maanta xariga ka jaray, xarun qashinka loogu talagalay in lagu maareeyo qashinka laga soo qaado degmooyinka gobolka Banaadir.

Ugu dambeyn, Duqa Muqdisho Cumar Filish ayaa mamnuucay in qashin lagu shubo agagaarka deegaanka Jazeera, isagoona carab dhabay in ciddii lagu arka tallaabo sharciga waafaqsan laga qaadi doono.

Halkan ka dhageyso Codka Cumar Filish:

Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

spot_img

More like this

Discipline: Anshax&Nidaamku waa Buundada U Dhaxaysa Himilada iyo Guusha.

  Fahamka guud ee "Discipline"  Nidaamka iyo Edebta,Qof ka iyo Bulshada. Qormadaani waxay si cilmi ah u falanqeynaysaa macnaha...

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya?

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya? Tan iyo markii  Dowladdii Dhaxe ee ugu  awooda badneyd  dowladaha Soomaray dhulka...

Maxkamadda Sare oo dil toogasho ah ku riday Sayid...

MUQDISHO(Halqaran.com)-Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta ku dhawaaqday go’aankeeda ku saabsan dacwaddii Eedaysane Sayid-Cali Macallin...