Sunday, May 10, 2026
27.6 C
Mogadishu

DHAGEYSO: DF Somaliya oo shaacisay in Caqabado Culus kaga imaanayaan dalka dibaddiisa! (Ogow Xog-kaa qarsaneed!)

Wasiirka warfaafinta ee xukuumadda Soomaaliya, Maxmaed Cabdi Maareeye

Muqdisho (Halqaran.com) – Wasiirka warfaafinta ee xukuumadda Soomaaliya, Maxmaed Cabdi Maareeye ayaa shaaca ka qaadan in ay dowladda xilligaan soo wajaheen caqabado caalamiga ah oo kaga imaanaya dalka dibaddiisa.

Wasiirka ayaa shacabka Soomaaliyeed ka codsaday in ay caqabadahaasi kaga imaanaya dalka dibaddiisa gacan weyn ka siiyaan, sidii looga gaashaaman lahaa dhibkaasi.

Mr. Maareeye ayaa sheegay in shacabka iyo madaxda qaar in aysan ka warheenin in dowladda Soomaaliya ay heystaan caqabado dibadda kaga imaanaya, balse ay ku mashquulsan tahay waxtarka dadkeeda, sida uu yiri wasiirku.

”Waxaad moodaa Shacabka Soomaaliyeed iyo madaxda dalka hoggaankooda inaysan ku baraarugsaneyn caqabadaha dowladda dhexe ay la kulmeyso, balse halkii laga caawin lahaa dad badani oo ka mid ahi waxgaradka iyo mas’uul kasta ay dowladda culeyska ku badinayaan si ay dowladda u jabto daddaalada ay wado ay ku fashilanto”, ayuu yiri Wasiirka warfaafinta ee xukuumadda Soomaaliya Maxamed Cabdi Maareeye.

Xafiiska Halqaran.com, Muqdisho
Halqarannews@gmail.com

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

spot_img

More like this

Discipline: Anshax&Nidaamku waa Buundada U Dhaxaysa Himilada iyo Guusha.

  Fahamka guud ee "Discipline"  Nidaamka iyo Edebta,Qof ka iyo Bulshada. Qormadaani waxay si cilmi ah u falanqeynaysaa macnaha...

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya?

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya? Tan iyo markii  Dowladdii Dhaxe ee ugu  awooda badneyd  dowladaha Soomaray dhulka...

Maxkamadda Sare oo dil toogasho ah ku riday Sayid...

MUQDISHO(Halqaran.com)-Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta ku dhawaaqday go’aankeeda ku saabsan dacwaddii Eedaysane Sayid-Cali Macallin...