Friday, April 17, 2026
28.9 C
Mogadishu

DHAGEYO: Siyaasi caan ah oo si aan caadi aheyn u Ammaanay Madaxweynaha Puntland, una jawaabay xildhibaanadii dhaliilay

Siyaasi Siciid Diiriye

Garoowe (Halqaran.com) – Mid ka mid ah aas-aasayaashii maamulka Puntland, Siyaasi Siciid Diiriye Maxamed ayaa si adag u naqdiyay hadal ka soo yeeray xildhibaanno ka tirsan Baarlamanka Puntland oo ka hadlay magaalada Garoowe, kuwaasi oo dhaliilay hoggaaminta madaxweyne Saciid Deni.

Siyaasigan ayaa sheegay in xildhibaannada Baarlamanka Puntland ay u xil saaran yihiin la xisaabtanka iyo toosinta xukuumadda, taasina ay leedahay hannaan loo maro, si loo saxo dhaliilaha jira, balse ay xildhibaannada qalad ku tahay, in ay bulshada ku kiciyaan dowladda.

Sidoo kale, wuxuu sheegay in xildhibaannadu ay awood u leeyihiin, haddii ay arkaan wax qaldan, in ay si toos ah madaxweynaha ula wadaagan, islamarkaana kula xisaabtaman wixii uu qalday, iyagoo aan warbaahinta ka dhaliilin.

“Wixii wax sixi lahaa waxa weeye Baarlamanka, haddii ay wax qaldan arkaan, in ay shaaciyaan oo dalka iyo dadka fidneeyan lagama rabo, ee waxa laga rabaa in ay la wadaagan madaxweynaha oo yiraahdan: madaxweyne waxaan waad ku qaldantahay.” ayuu yiri Siciid Diiriye.

Halka Hoose ka dhageyso Codka Siyaasiga:

Xafiiska Wararkak Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

spot_img

More like this

Discipline: Anshax&Nidaamku waa Buundada U Dhaxaysa Himilada iyo Guusha.

  Fahamka guud ee "Discipline"  Nidaamka iyo Edebta,Qof ka iyo Bulshada. Qormadaani waxay si cilmi ah u falanqeynaysaa macnaha...

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya?

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya? Tan iyo markii  Dowladdii Dhaxe ee ugu  awooda badneyd  dowladaha Soomaray dhulka...

Maxkamadda Sare oo dil toogasho ah ku riday Sayid...

MUQDISHO(Halqaran.com)-Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta ku dhawaaqday go’aankeeda ku saabsan dacwaddii Eedaysane Sayid-Cali Macallin...