Saturday, January 17, 2026
27.9 C
Mogadishu

DAAWO SAWIRRO: Sidee Jubbaland u sagootisay martidii ka qeybgashay caleema saarka Axmed Madoobe?

Kismaayo (Halqaran.com) – Jubbaland ayaa waxay xalay Magaalada Kismaayo xaflad sagootin ah ugu sameysay martidii maalintii Sabtida ka qaybgashay munaasabadda caleemo saarka ee Madaxweynaha Jubbaland, Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe).

Xafladda ayaa waxaa goobjoog ka ahaa Madaxweynaha Puntland, Siciid C/laahi Deni, Guddoomiye kuxigeenka 1aad ee Aqalka sare ee Baarlamaanka Somaliya, Abshir Maxamed Axmed (Abshir Bukhaari), Madaxweyne-yaashii hore ee Somaliya, Shariif Shariif Axmed & Xasan Sheekh Maxamuud, Madaxweyne-yaashii hore ee Koonfur Galbeed iyo Galmudug, Shariif Xasan Sheekh Aadan iyo C/kariin Xuseen Guuleed, Hoggaamiyaha Xisbiga Wadajir, C/raxmaan C/shakuur Warsame, Xildhibaano Labada Aqal ee Baarlamaanka Somaliya ka tirsan iyo marti kale.

Madaxweynaha Jubbaland oo xafladda ka hadlay ayaa sheegay in ay sagootin u samaynayan Madaxdii iyo marti sharaftii kale ee ka soo qaybgashay munaasabadda marka labaad loogu cumaamaday xilka Madaxtinimada Jubbaland.

Madaxweynaha oo soo hadalqaaday halka uu dalka marayo ayaa sheegay inaanay maanta Somaliya ka jirin cid beel beel isu haysata, taasina ay tahay mid mar hore laga soo gudbay.

Madaxweynaha ayaa tilmaamay in xafladda ay ku sugan yihiin madax dalka soo gaarsiisay halka uu maanta marayo, isla-markaana aan loo baahnayn in dalka dib loo celiyo.

Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe), Madaxweynaha Jubbaland ayaa Dowladda Somaliya ugu baaqay in laga wada shaqeeyo horu-socodka dalka.

Muddooyinkii ugu dambeeyay ayaa waxaa cirka isu shareeray khilaafka u dhaxeeya Dowladda Federaalka iyo Maamulka Jubbaland, ka dib doorashadii 22-kii bishii August ka dhacday Magaalada Kismaayo, ee la sheegay in markale lagu soo doortay Axmed Madoobe.

Madaxtooyada Somaliya ayaa diiday in ay aqoonsato doorashada la sheegay in uu ku soo baxay Axmed Madoobe, waxayna taasi bedelkeeda soo jeeday in doorasho ku celis ah la qabto.

Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

spot_img

More like this

Discipline: Anshax&Nidaamku waa Buundada U Dhaxaysa Himilada iyo Guusha.

  Fahamka guud ee "Discipline"  Nidaamka iyo Edebta,Qof ka iyo Bulshada. Qormadaani waxay si cilmi ah u falanqeynaysaa macnaha...

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya?

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya? Tan iyo markii  Dowladdii Dhaxe ee ugu  awooda badneyd  dowladaha Soomaray dhulka...

Maxkamadda Sare oo dil toogasho ah ku riday Sayid...

MUQDISHO(Halqaran.com)-Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta ku dhawaaqday go’aankeeda ku saabsan dacwaddii Eedaysane Sayid-Cali Macallin...