Dhaawaca guddoomiye Yariisow iyo saraakiil kale oo loo qaaday dalka Qadar

Muqdisho (Halqaran.com) – Dhaawaca 12 qof oo ka mid ah dadkii ku dhaawacmay qaraxyadii labada ahaa ee ka dhacay isgoyka KM4 iyo xarunta maamulka gobolka Banaadir ayaa maanta laga duuliyay garoonka diyaaradaha Aadan Cadde ee magaalada Muqdisho.

Lix ka mid ah dadkaasi ayaa ahaa saraakiishii ka tirsanaa maamulka gobolka Banaadir oo uu ku jiro guddoomiyaha gobolka Banaadir Cabdiraxmaan Cumar Cismaan (Yariisow) oo shalay ku dhaawacmay weerarkii ismiidaminta ahaa ee lagu qaaday.

Dhaawacyada oo loo daabulay cusbitaal ku yaalla dalka Qadar, waxaa safarkooda ku wehlinayay qaar ka tirsan xubnaha qoysaskooda.

Dhanka kale, waxaa maanta magalaada Muqdisho aas loogu sameeyay lix sargaal oo ka tirsanaa maamulka gobolka Banaadir oo ku naf waayay weerarkii shalay lagu qaaday xarunta maamulka.

Aaska saraakiishaas ayay ka soo qeyb galeen masuuliyiin ka tirsan dowladda Soomaaliya.

Xafiiska Halqaran.com, Muqdisho
Halqarannews@gmail.com