Wednesday, December 10, 2025
28.3 C
Mogadishu

DF Soomaaliya oo Turkiga kala hadashay qorshayaal cusub oo hormarineed

Muqdisho (Halqaran.com) – Wasiirka Shaqada iyo Arrimaha Bulshada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Xildhibaan Biixi Iimaan Cige ayaa xafiiskiisa ku qaabilay safiirka Dawladda Turkiga ee Soomaaliya, Mehmet Yılmaz.

Labada mas’uul ayaa waxa ay kawada hadleen xoojinta iskaashiga ee dhinacyada , horumarinta Shaqada, Shaqaalaha , xirfadaha iyo Arrimaha Bulshada.

Wasiir Biixi Iimaan Cige , ayaa Safiirka la wadaagay qorshayaasha hortabinta u leh howlaha shaqo iyo hiigsiga Wasaaradda, iyadoo sidoo kale halkaa lagu soo bandhigay sida loo horumarin karo.

“Turkiga waa saaxib iyo dal muhiim u ah waddankeenna, xilligaana dadaalladane waxay ka qaadan karaan door iskaashi oo muhiim ah. “ayuu yiri Wasiir Biixi.

Sidoo kale, waxaa kulanka lagu soo qaaday, sidii loo dhaqangelin lahaa is-afgarad ay horey u gaareen Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshada Xukuumadda Federaalka ee Soomaaliya iyo dhigeeda Dalka Turkiga.

Safiirka Dawladda Turkiga u fadhiya Soomaaliya Mehmet Yılmaz ayaa dhankiisa xaqiijiyay Dawladda Turkiga inay daddaal badan galinayso sidii loo horumarin lahaa shaqaalaha, xirfadaha, taageerrada Bulshada iyo kor u qaadista shaqada.

Ugu dambeyn, Danjire Mehmet Yilmaz ayaa sheegay inay xoojinayaan daddaallada dib u soo kabashada ee Soomaaliya.

Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

spot_img

More like this

Discipline: Anshax&Nidaamku waa Buundada U Dhaxaysa Himilada iyo Guusha.

  Fahamka guud ee "Discipline"  Nidaamka iyo Edebta,Qof ka iyo Bulshada. Qormadaani waxay si cilmi ah u falanqeynaysaa macnaha...

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya?

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya? Tan iyo markii  Dowladdii Dhaxe ee ugu  awooda badneyd  dowladaha Soomaray dhulka...

Maxkamadda Sare oo dil toogasho ah ku riday Sayid...

MUQDISHO(Halqaran.com)-Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta ku dhawaaqday go’aankeeda ku saabsan dacwaddii Eedaysane Sayid-Cali Macallin...