Saturday, April 11, 2026
29.7 C
Mogadishu

DF Soomaaliya oo sheegtay in ciidamo gaar ah u diyaarisay Amniga Doorashooyinka

Muqdisho (Halqaran.com) – Xukuumadda Federaalka ah ee Soomaaliya ayaa sharraxaad ka bixisey qorshaha xukuumadda ee ku aadan sugidda amniga Doorashooyinka dalka maadaama meelo badan oo kamid ah dalka ay ka dhacayaan doorashooyinka Baarlamaanka labada Aqal.

Wasiiru dowlaha Wasaaradda amniga Soomaaliya Farxaan Cali Axmed ayaa sheegay in qorshaha amniga doorashooyinka ay dejiyeen, isla markaana dowladda Federaalka iyo dowlad goboleedyada ay ka wada heshiyeen.

Waxaa uu sheegay in sidoo kale Ciidamo gaar ah loo diyaariyay 11 magaalo oo dalka ah oo la filayo inay ka dhacayaan doorashooyinka, kuwaas oo isigu jira Ciidamada Dowladda & kuwa AMISOM.

Hadalka Wasiiru dowlaha wasaaradda amniga Soomaaliya ayaa waxaa uu kusoo aadayaa xilli weli uu muran ka taagan yahay guddiga qaban lahaa doorashooyinka oo ay kasoo horjeesteen Musharixiinta Mucaaradka, iyaga oo sheegay in laga soo xulay Hay’adda NISA & Shaqaalaha dowladda.

Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

spot_img

More like this

Discipline: Anshax&Nidaamku waa Buundada U Dhaxaysa Himilada iyo Guusha.

  Fahamka guud ee "Discipline"  Nidaamka iyo Edebta,Qof ka iyo Bulshada. Qormadaani waxay si cilmi ah u falanqeynaysaa macnaha...

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya?

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya? Tan iyo markii  Dowladdii Dhaxe ee ugu  awooda badneyd  dowladaha Soomaray dhulka...

Maxkamadda Sare oo dil toogasho ah ku riday Sayid...

MUQDISHO(Halqaran.com)-Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta ku dhawaaqday go’aankeeda ku saabsan dacwaddii Eedaysane Sayid-Cali Macallin...