Tuesday, April 21, 2026
28.1 C
Mogadishu

DF Soomaaliya oo ka hadashay go’aanka ay Kenya ku joojisay duulimaadyadii labada dal

Muqdisho (Halqaran.com) – Wasiirka Gaadiidka Duulista Hawada XFS Duraan Faarax oo la hadlay warbaahinta Qaranka ayaa sheegay in aysan garaneyn sababta keentay qoraalkii kasoo baxay dowladda Kenya oo ay ku joojisay duulimaadyadii isaga kala gooshi jiray Soomaaliya iyo Kenya.

Waxa uu sheegay in wax war-gelin ah aysan ka helin Kenya, sidoo kalena aysan garaneyn sababta ka dambeysa inay qaadato go’aankaas oo ah mid aysan labada dal midkoodna dani ugu jirin.

Wasiirka ayaa sheegay in arrintaas ay saameyn ku yeelaneyso shucuubta labada dal ee Soomaaliya iyo Kenya, isagoo xusay in aysan jirin dhibaato u gaar ah Soomaaliya oo kasoo gaaraya go’aanka ay qaadatay Kenya.

Waxa uu sheegay in dowladda Soomaaliya ay maalmo ka hor si qalbi furnaan ah u soo celisay xiriirkii kala dhexeeyey Kenya, balse Kenya ay hadda ku dhaqaaqday tallaabo wax u dhibeysa sii socoshada xiriirka labada dal.

Wasiirka oo ka jawaabay talaabada ay dowladda Soomaaliya ka qaadi doonto arrinkaas ayaa sheegay inay kasoo saari doonaan go’aan munaasib ku ah arrinkaas, waqtiga ku haboona uu go’aankaasi soo bixi doono.

Xafiiska wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com

 

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

spot_img

More like this

Discipline: Anshax&Nidaamku waa Buundada U Dhaxaysa Himilada iyo Guusha.

  Fahamka guud ee "Discipline"  Nidaamka iyo Edebta,Qof ka iyo Bulshada. Qormadaani waxay si cilmi ah u falanqeynaysaa macnaha...

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya?

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya? Tan iyo markii  Dowladdii Dhaxe ee ugu  awooda badneyd  dowladaha Soomaray dhulka...

Maxkamadda Sare oo dil toogasho ah ku riday Sayid...

MUQDISHO(Halqaran.com)-Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta ku dhawaaqday go’aankeeda ku saabsan dacwaddii Eedaysane Sayid-Cali Macallin...