Dhuusamareeb (Halqaran.com) – Ciidamo ka tirsan kuwa dowladda Soomaaliya gaar ahaan Guutada 15-aad ee qeybta 21aad iyo Ciidanka Gorgorqeybta ayaa howlgal qorsheysan waxaa ay ka fuliyeen duleedka Magaalada Dhuusamareeb ee Caasimadda Galmudug.
Howlgalka ayaa waxaa uu ka dambeeyay kadib markii xalay weerar hoobiyeyaal ah lagu qaaday magaalada Dhuusmareeb, waxaana la sheegay in intii uu howgalka socday uu dagaal kooban dhex-maray ciidamada dowladda iyo Xubno ka tirsan Al-Shabaab.
War ka soo baxay taliska Ciidamada qeybta 21aad ayaa waxaa lagu sheegay in ciidamada ay dileen saddex xubnood oo ka tirsanaa Al-Shabaab oo uu ku jiro sarkaalkii u qaabilsanaa Deegaannada u dhexeeya Ceelbuur iyo Dhuusamareeb, kaas oo magaciisa lagu soo koobay Cabdi Naasir.
Sidoo kale, taliska Ciidamada qeybta 21aad waxaa ay sheegeen in howlgalkaas lagu qabtay dhaawaca Xubin ka tirsan Al-Shabaab iyo Afar qori oo ay Ciidamadu ka furteen Al-Shabaab.
Tan iyo markii isbedelka maamul uu ka dhacay degaannada Galmudug ayaa waxaa kusoo kordhay falal amni darro oo ay kamid yihiin weerarada Al-Shabaab iyo dagaalada dhex-maraya labada maleeshiyo Beeleed.
Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com





