Monday, May 11, 2026
28 C
Mogadishu

DF Somaliya oo maanta Ciidamo iyo Hub culus geysay Dhuusamareeb & Xaaladda oo Kacsan

Dhuusamareeb (Halqaran.com) – Wararka naga soo gaaraya Magaaladda Dhuusamareeb ee Caasimadda maamulka Galmudug ayaa ku warramaya in maanta Magaaladaas ka dageen diyaarado waday Ciidamo dheeraad ah iyo saanad ciidan.

Ilaa 5-diyaaradood oo ka baxay Magaaladda Muqdisho, ayaa ka dagay garoonka diyaaradaha Magaaladdda Dhuusamareeb, waxaana ciiidamadda la geeyay xarumihii loogu talagalay.

Tallaabooyinkan ayaa ka dhigan in dowladda Federaalka ay si buuxda u adkeyneyso joogitaankeeda Dhuusamareeb oo dhowaan lagu wado inuu ka dhaco shirweynaha dib u heshiisiinta Galmudug.

Magaalada Dhuusamareeb waxaa horay loo geeyay Ciidamo uu hoggaaminaayo Sarkaal lagu magacaabo Farxaan Qaroole oo ka mid ahaay Saraakiishii maleeshiyaadka Al-Shabaab ee ku biiray Nabad Suggida, markii dambana Booliska lagu soo daray.

Wixii warar ah ee ku soo kordha kala soco Halqaran.com insha allaah.

Xafiiska Halqaran.com, Muqdisho
Halqarannews@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

spot_img

More like this

Discipline: Anshax&Nidaamku waa Buundada U Dhaxaysa Himilada iyo Guusha.

  Fahamka guud ee "Discipline"  Nidaamka iyo Edebta,Qof ka iyo Bulshada. Qormadaani waxay si cilmi ah u falanqeynaysaa macnaha...

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya?

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya? Tan iyo markii  Dowladdii Dhaxe ee ugu  awooda badneyd  dowladaha Soomaray dhulka...

Maxkamadda Sare oo dil toogasho ah ku riday Sayid...

MUQDISHO(Halqaran.com)-Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta ku dhawaaqday go’aankeeda ku saabsan dacwaddii Eedaysane Sayid-Cali Macallin...