Tuesday, May 12, 2026
27.9 C
Mogadishu

LA OGAADAY: Ma Dhabbaa in Ciidamada loo tababaro DF Soomaaliya ay ku biiraan Al-Shabaab?

Muqdisho (Halqaran.com) – Dowladda Uganda ayaa ka digtay in Ciidamada AMISOM laga saaro Soomaaliya iyada oo sheegtay in guulaha AMISOM ay fashil ku dhamman karaan.

Wasiiru dowlaha Wasaaradda arrimaha dibadda Dalka Uganda, Henry Okello Oryem, ayaa sheegay in Qraamada Midoobey iyo Beesha Caalamka ay doonayaan dhimista Ciidamada iyaga oo ka fiirinaya qarashka ka baxa.

Henry Okello Oryem ayaa waxa uu ka digay in howlihii ay qabatay AMISOM noqon karaan kuwo fashilma haddii aan wax laga beddelin qorshaha Ciidanka Amisom looga saarayo Soomaaliya.

Waxaa uu Wasiirku sheegay in qaar ka mid ah Ciidamada dowladda Soomaaliya loo tababaro ay ku biiraan maleeshiyaadka Al-Shabaab isaga oo is weydiiyay “ma Al-shabaab ayaan amaanka ku wareejinaa”?.

”Ma cabaneyno, laakiin waxaan ka murugsan nahay Tayada Ciidamada Dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya.” ayuu yiri Wasiir Henry Okello Oryem.

Wargeyska The Independent ee ka soo baxa Dalka Uganda ayaa sheegay in kulankii Bishii la soo dhaafay Madaxweynaha Uganda Yuweri Museveni iyo Madaxweynihii hore ee Koofur Afrika Thabo Mbeki ayaa waxaa looga hadlay xaaladda Soomaaliya.

Yuweri Museveni ayaa kadigay dhimista Ciidamada Amisom ee jooga Soomaaliya isaga oo sidoo kale ku taliyay in Ciidanka Amisom aan la bixinin ilaa ay Ciidamada Soomaaliya gaaraan heer ay amniga dalka la wareegi karaan.

Xafiiska Halqaran.com, Muqdisho
Halqarannews@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

spot_img

More like this

Discipline: Anshax&Nidaamku waa Buundada U Dhaxaysa Himilada iyo Guusha.

  Fahamka guud ee "Discipline"  Nidaamka iyo Edebta,Qof ka iyo Bulshada. Qormadaani waxay si cilmi ah u falanqeynaysaa macnaha...

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya?

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya? Tan iyo markii  Dowladdii Dhaxe ee ugu  awooda badneyd  dowladaha Soomaray dhulka...

Maxkamadda Sare oo dil toogasho ah ku riday Sayid...

MUQDISHO(Halqaran.com)-Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta ku dhawaaqday go’aankeeda ku saabsan dacwaddii Eedaysane Sayid-Cali Macallin...