Friday, March 13, 2026
26.5 C
Mogadishu

DAAWO SAWIRRO: RW Kheyre oo maanta kormeeray Bangiga Dhexe ee Somaliya, Muxuuse ku soo arkay?

Muqdisho (Halqaran.com) – Ra’iisl wasaaraha xukuumadda Soomaaliya, Xasan Cali Khayre ayaa waxa uu Tallaadadii maanta kormeer ku tagey Xarunta Bankiga Dhexe ee Magaalada Muqdisho.

Mr. Kheyre ayaa kulanka ka dib waxaa uu la kulmay Maamulka Baanka Dhexe, Xisaabiyaha Guud iyo Wasiir Kuxigeenka Wasaaradda Maaliyadda, waxayna ka wada hadleen dardar-gelinta shaqooyinka hor tebinta leh ee bankiga.

Bankiga dhexe oo qayb ka ah hay’adaha halbeegyada ku leh tubta horumarinta dhaqaalaha ayaa masuul ka ah samaynta iyo maaraynta lacagta dalka, ka shaqaysiinta hannaanka xisaabeed ee dalka, abuuridda hannaanka bixinta lacagta oo mideysan iyo isku duba-rididda qorshaha dib u soo celina hantida qaranka.

Kormeerka uu Ra’iisul Wasaaruhu uu ku tegay Xarunta Bangiga Dhexe ayaa qayb ka ah hawlaha lagula soconayo hanaanka hir-gelinta qorshayaasha hor tebinta leh ee Wasaaraha Xukuumadda iyo hay’adaha kale ee dowladda, ay ku leeyihiin tubaha qaranka, si sare loogu qaado isla xisaabtanka, hufnaanta iyo daah-furnaanta.

Xafiiska Halqaran.com, Muqdisho
Halqarannews@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

spot_img

More like this

Discipline: Anshax&Nidaamku waa Buundada U Dhaxaysa Himilada iyo Guusha.

  Fahamka guud ee "Discipline"  Nidaamka iyo Edebta,Qof ka iyo Bulshada. Qormadaani waxay si cilmi ah u falanqeynaysaa macnaha...

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya?

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya? Tan iyo markii  Dowladdii Dhaxe ee ugu  awooda badneyd  dowladaha Soomaray dhulka...

Maxkamadda Sare oo dil toogasho ah ku riday Sayid...

MUQDISHO(Halqaran.com)-Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta ku dhawaaqday go’aankeeda ku saabsan dacwaddii Eedaysane Sayid-Cali Macallin...