XOG XASAASI: Heshiiskii ay wada galeen Ahlu Sunna iyo DF Somaliya oo burburay & Ahlu Sunna oo ku hanjabtay..

Dhuusamareeb (Halqaran.com) – War-saxaafadeed ka soo baxay Madaxa Xukuumadda Galmudug, Sheekh Maxamed Shaakir Cali Xasan ayaa lagu sheegay inuu burburay heshiiskii Dowladda Federalka Soomaaliya iyo Ahlu Sunnada Gobollada Dhexe.

Qoraalka ayaa lagu sheegay burburka heshiiskaasi inay masuul ka yihiin Madaxda Fowladda Federalka Soomaaliya oo dhaqan gelin waayay qodobadii lagu heshiiyay.

Ahlu Sunna ayaa ugu baaqday Ciidamadooda iyo dadka deegaanka inay u diyaargarowbaan difaacida naftooda iyo deegaankooda.

Sidoo kale, war-saxaafadeedka ayaa loogu sheegay Beesha Caalamka wixii ka dhaca deegaanada Galmudug masuuliyadeeda inay qaadeyso Dowladda Federalka Soomaaliya.

Hoos ka akhriso War-saxaafadeedka Ahlu Sunna:

Xafiiska Halqaran.com, Muqdisho
Halqarannews@gmail.com