Nairobi (Halqaran.com) – Madaxwaynaha dowlad goboleedka Jubbaland, Mudane Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe) ayaa magaalada Nairobi kulan xasaasi ah oo gaar ah kula yeeshay guddoomiyaha Xisbiga mucaaradka ee UCID Feysal Cali Waraabe.
Ilaa iyo hadda ma jirto war rasmi ah oo ka soo baxay labada dhinac, laakiin wararka aynu haleyno ayaa sheegaya, in labada mas’uul ay kawada hadleen guud ahaan arrimaha Soomaaliya.
Guddoomiyaha Xisbiga UCID ee Somaliland, Feysal Cali Waraabe ayaa horay u sheegay inuu ka qayb geli doono Caleemo saarka Axmed Madoobe, oo Xiligaasi muran xooggan ka taagnaa, walow markii dambe uu ka baaqday.
Arrintaasi ayaa waxaa hareeyay muran xoggan oo looga soo horjeeday kaasoo ka bilowday gudaha Somaliland.
Dadka shacabka ah ayaa inta badan lagu xiraa inay Sawir la galeen Madax ka tirsan Maamullada iyo Dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya, Xili Masuuliyiinta Xisbiyadda Somaliland ay markay doonaan kulamo la yeeshaan masuulyiinta Koonfurta Soomaaliya.
→DAAWO MUUQAALLO KALE ,Sii Akhri Wararka Kale ee Maanta:⇓
TOP NEWS: SOMALIYA oo maanta mar kale dib u bilowday mashruuca dhoofinta mooska
UPDATE: Duuliye waday Diyaarad Hawada Ku Jirtay oo geeriyooday, kadib maxaa dhacay?
DAAWO SAWIRRO: Wasiir Sabriye oo maanta tagay Dhuusamareeb, Muxuu yahay Ujeedkiisa?
Amaro culus oo lagu soo rogay M/Dhuusamareeb ‘‘Shirar siyaasadeed laguma qaban karo Hoteelada”
Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com