DEG DEG + DAAWO VIDEO: Salaad Cali Jeelle oo Hanjabaadii Sheekh Shariif Ka fal-celiyay ‘‘Lafihiina u naxa ayaan leeyahay Shariif iyo Xasan”!

Muqdisho (Halqaran.com) – Siyaasi Salaad Cali Jeelle oo hadda ka mid ah siyaasiyiinta taageersan Xukuumadda Federaalka ah ee Soomaaliya ayaa maanta weerar culus ku qaaday madaxweynayaashii hore ee Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud iyo Shariif Sheekh Axmed.

Siyaasi Salaad oo ka jawaabayey hadalkii Axaddii Shalay kasoo yeeray Sheekh Shariif Sheekh Axmed ee ahaa inay DF Soomaaliya Muqdisho ka saari doonaan, ayaa ugu baaqay siyaasiyiinta ku midoobay Xisbiyada Madasha Qaran inay lafahooda u turaan, isla markaasna aysan is dhibaateyn.

”Xisbiyada qaran waxaan ugu baaqayaa inay lafahooda u turaan isla markaasna aysan is dhibaateen, ma jirto cid dagaal guul ku gaaray” ayuu yiri Salaad Cali Jeelle.

Mr. Jeelle ayaa sheegay in madaxweyne kasta oo soo maro dalka uu leeyahay 4 sano oo muddo xilliyeedkiisa ah, isla markaasna siyaasiyiinta laga rabo inay ilaaliyaan dowladnimada ayna sugtaan waqtiga yar ee u haray Dowladda Soomaaliya.

Siyaasi Salaad Cali Jeelle ayaa waxa uu sheegay haddii ay Dowladda Soomaaliya dambi gasho isla markaasna ay mucaaradka dacwo qabaan inay u gudbiyaan Maxkamadaha dalka, balse uu ka xun yahay in qori caaradiisa wax lagu raadiyo.

Ugu dambeyn, madaxweynayaashii hore ee Soomaaliya ayuu ku eedeeyey inay dambiyo badan galeen intii ay xukunka hayeen aysana jirin cid diiday inay dhameystaan waqtigii dastuurka u ogolaanayey.

Halka hoose ka daawo Muuqaalka Siyaasi Salaad Cali Jeelle:

DAAWO MUUQAALLO KALE ,Sii Akhri Wararka Kale ee Maanta:

DAAWO VIDEO: Jabhadii looga dhawaqay galbeedka Somaliland oo soo bandhigay cududooda Ciidan & Awoodooda.

DEG DEG: Weerar Khasaare geystay oo jidgal ah oo caawa lagu qaaday ciidamada AMISOM

AKHRISO: Beelaha gobolka Bari oo War deg-deg ah ka soo saaray Xaaladda ay ku sugan tahay Puntalnd

XOG CUSUB: Ra’iisul wasaarihii hore ee Somaliya ‘Geedi‘ oo jawaab kulul ka bixiyay hanjabaadii Sheekh Shariif.

DAAWO SAWIRRO: Madaxweyne Farmaajo oo maanta si diiran loogu soo dhaweeyay Nairobi

DHAGEYSO XASAASI: Puntland ‘‘Ciidanka wax saameyn ah kuma yeelan xil ka qaadistii Dhooba-Daareed” & Somaliland oo loogu hajnabay in …

Al-Shabaab oo isaga baxay deegaanno ka tirsan Mudug & Wararkii ugu dambeeyay +SABAB!

DAAWO SAWIRRO: Madaxweynaha Koonfur Galbeed oo maanta tagay degmada Waajid ee G/Bakool

DHAGEYSO WAREYSI: Maxaad ka Ogtahay halka ay mareyso Cafintii deynta lagu leeyahay Soomaaliya?

XOG: Shariif Sh. Axmed ‘‘Wallaahi waan ka bixineynaa DFS Muqdisho, haddii aysan dulmiga joojin”

Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com