Afgooye (Halqaran.com) – Wararka goor-dhow caawa na soo gaaraya ayaa sheegaya, in kolonyo ay la socdeen ciidanka Nabad Ilaalinta Midowga Afrika caawa lagu weeraray Deegaanka Muuri ee duleedka Degmada Afgooye ee Gobolka Shabellaha Hoose.

Wararka ayaa sheegaya, in kolonyadan marka hore lala eegtay qarax lagu diyaariyay wadada dhinaceeda, iyadoona uu haleelay mid ka mid ah kolonyadii ay Ciidanka Amisom la socdeen, waxaana xigay weerar toos ah oo ciidankaasi lagu qaaday.

Maleeshiyaadka Ururka Al-Shabaab oo mooddo inay socdaalka ciidankaasi ka warqabeen ayaa waxay ku soo qaadeen weerar dhawr jiho leh, waxaana halkaasi labada dhinac ku dhex maray dagaal hubka noocyadiisa kala duwan la isu adeegsaday.

Wararka ayaa intaa ku daraya in dagaal muddo saacad socday uu labada dhinac ku dhex maray wadada xiriirisa Degmada Afgooye iyo Deegaanka Nambar Konton, isla-markaana uu dagaalku soo geba-gabeeyay markii ay dib u gurteen Shabaabka.

Ciidanka Amisom oo si deg deg ah uga qalab uruursaday Deegaanka Muuri ayaa horey u sii watay socodkooda oo ku wajahnaa xeradooda Aala Yaasir ee Deegaanka Nambar Konton, lamana garanayo khasaaraha dhinacyadaasi ka soo kala gaaray dagaalka.

Wararka aynu haleyno ayaa tibaaxaya, in kolonyada Ciidanka Amisom looga baran inay xilliyada habeenkii ku socdaalaan Gobolka Shabellaha Hoose, haddii aanu jirin hawlgal lagu qaadayo Al-Shabaab.

Si kastaba, gobolka Shabellaha Hoose ayaa ah kan ugu badan ee ay ka dhacaan qaraxyada lala beegsado Ciidamada Dowladda iyo Xoogaga Nabad Ilaalinta Midowga Afrika, sidoo kale waa kan ugu badan ee Shabaab lagula bartilmaameedsado weerarada dhinaca cirka.

Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here