Wednesday, April 22, 2026
26.4 C
Mogadishu

Danjireyaasha Jarmalka & Sweden iyo Mas’uuliyiin Ka Tirsan Villa Somalia Oo Kulmay

Muqdisho(Halqaran.com)-Wasiiru Dowlaha Madaxtooyada Qaranka Mudane Cabdulqaadir Sheekh Cali (Baqdaadi) iyo Agaasimaha Guud ee Madaxtooyada Dr.Nuur Diiriye Xirsi (Fuursade) oo kulammo gaar gaar ah la kala yeesha Danjireyaasha Jarmalka iyo Sweden ee Soomaaliya ayaa uga warbixiyey xaaladda adag ee ka dhalatay fatahaadaha wabiga ee Hiiraan, Bakool iyo Gedo.

Agaasimaha Madaxtooyada ayaa la wadaagay Danjireha Boqortooyada Sweden Mudane Staffan Tillander dadaallada joogtada ah ee Dowladdu ay ku bixinayso kobcinta dhaqaalaha, amniga iyo dib u heshiisiinta, isagoona tilmaamay in ay muhiim tahay in lagu gacan siiyo shacabka iyo dowladda Soomaaliyeed sidii ay uga gudbi lahaayeen caqabadaha ku xeeran.

Sidoo kale, Wasiiru Dowlaha Madaxtooyada iyo Danjireha dalka Jarmalka ee Soomaaliya Marwo Annette Gunthe ayaa isla qaabeeyey hannaanka xoojinta xiriirka wada shaqeyneed ee labada dal iyo sidii loo dardargalin lahaa qorsheyaasha iskaashi ee horay ay isula garteen labada dowladood.

Dhankooda, Danjireyaashu ayaa uga mahad celiyeen hoggaanka Madaxtooyada soo dhaweynta wanaagsan iyo sida ay garab ku siinayaan gudashada waajibaadkooda inta ay ku sugan yihiin Soomaaliya.

Xafiiska Wararka(Halqaran.com)
Halqarannews@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

spot_img

More like this

SNA and allied forces kill 40 al-Shabaab fighters in...

At least 40 al-Shabaab fighters have been killed and over a dozen wounded in the government force...

Ciidanka NISA ee Jubbaland oo qabtay...

Kismaayo (Halqaran.com) – Hay’adda Sirdoonka iyo Nabadsugida Jubbaland ( NISA) ayaa howlgallo lagu xaqiijinayo amniga ka wada...

Midowga Murashaxiinta oo ka hadlay Dadkii Laga Soo Saaray...

Muqdisho (Halqaran.com) – Golaha Midowga Murashaxiinta oo si Adag ugu soo horjeestay shacabka Soomaaliyeed ee laga soo musaafuriyay...