Kismaayo (Halqaran.com) – Hay’adda Sirdoonka iyo Nabadsugida Jubbaland ( NISA) ayaa howlgallo lagu xaqiijinayo amniga ka wada gudaha magaalada Kismaayo kuwaas oo lagu beegsanayo xubno kamid ah dagaalameyaasha Al-shabaab ee ku sugan magaalada iyo nawaaxigeeda.
War kasoo baxay Ciidanka NISA Jubbaland ayaa lagu sheegay in howlgallada laga sameeyay dhamaan xaafadaha magaalada Kismaayo kuwaas lagu qabqabtey xubno kamid ah Al-Shabaab halka kuwa kale lagu raadjoogo.
Sidoo kale ciidamada ammaanka ayaa ka dalbaday shacabka Kismaayo inay ku gacan siiyaan howl-gallada lagu sugayo amniga ee ka socda halkaasi.
”Dhammaan shacabka Soomaaliyeed, gaar ah bulshada reer Kismaayo waxaan ugu baaqeynaa inay indho u noqdaan ciidamada ammaanka ayna ku garab istaagaan howl-gallada lagu ciribtirayo haraadiga ku dhex dhuumaaleysanaya magaalada,” ayaa lagu yiri warka kasoo baxay hay’adda nabad sugidda ee maamulka Jubbaland.
Magaalada Kismaayo ee Gobolka Jubbada Hoose ayaa dhawaan waxaa ka dhacay Falall liddi ku ah amniga, waxaana taasi ay keentay in Ciidanka NISA ay howlgallo billaabaan.
Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com





