Saturday, January 17, 2026
28.9 C
Mogadishu

Danjireyaasha Jarmalka iyo Sweden Iyo Villa Somaliya oo Kulamay

Muqadisho(Halqaran.com)-Wasiiru Dowlaha Madaxtooyada Qaranka Mudane Cabdulqaadir Sheekh Cali (Baqdaadi) iyo Agaasimaha Guud ee Madaxtooyada Dr.Nuur Diiriye Xirsi (Fuursade) oo kulammo gaar gaar ah la kala yeeshay Danjireyaasha Jarmalka iyo Sweden ee Soomaaliya ayaa uga warbixiyey xaaladda adag ee ka dhalatay fatahaadaha wabiga ee Hiiraan, Bay iyo Gedo.

Agaasimaha Madaxtooyada ayaa la wadaagay Danjireha Boqortooyada Sweden Mudane Staffan Tillander dadaallada joogtada ah ee Dowladdu ay ku bixinayso kobcinta dhaqaalaha, amniga iyo dib u heshiisiinta, isagoona tilmaamay in ay muhiim tahay in lagu gacan siiyo shacabka iyo dowladda Soomaaliyeed sidii ay uga gudbi lahaayeen caqabadaha ku xeeran.

Sidoo kale, Wasiiru Dowlaha Madaxtooyada iyo Danjireha dalka Jarmalka ee Soomaaliya Marwo Annette Gunthe ayaa isla qaabeeyey hannaanka xoojinta xiriirka wada shaqeyneed ee labada dal iyo sidii loo dardargalin lahaa qorsheyaasha iskaashi ee horay ay isula garteen labada dowladood.

Dhankooda, Danjireyaashu ayaa uga mahad celiyeen hoggaanka Madaxtooyada soo dhaweynta wanaagsan iyo sida ay garab ku siinayaan gudashada waajibaadkooda inta ay ku sugan yihiin Soomaaliya.

Xafiiska Wararka(Halqaran.com)
Halqarannews@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

spot_img

More like this

Discipline: Anshax&Nidaamku waa Buundada U Dhaxaysa Himilada iyo Guusha.

  Fahamka guud ee "Discipline"  Nidaamka iyo Edebta,Qof ka iyo Bulshada. Qormadaani waxay si cilmi ah u falanqeynaysaa macnaha...

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya?

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya? Tan iyo markii  Dowladdii Dhaxe ee ugu  awooda badneyd  dowladaha Soomaray dhulka...

Maxkamadda Sare oo dil toogasho ah ku riday Sayid...

MUQDISHO(Halqaran.com)-Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta ku dhawaaqday go’aankeeda ku saabsan dacwaddii Eedaysane Sayid-Cali Macallin...