Daallo-cado (Halqaran.com) – Waxaa magaalada Doollo Cado ee ku taalla xudduudka u dhaxeeya dalalka Itoobiya, Kenya iyo Soomaaliya lagu qabtay shir isku xirka xuduudaha ee u dhexeeya Itoobiya iyo Soomaaliya.
Ujeedka kulanka waxa uu ahaa in la xoojiyo isku-dubbaridka xuduudaha qaybaha badan ee xudduudaha iyo iskaashiga ka dhexeeya daneeyayaasha kala duwan ee saddexda waddan si wax looga qabto khataraha caafimaadka guud ee bulshada.
Ka soo qeyb galayaasha oo ka kala socday hay’adaha Qaramada Midoobay, dowladdaha, ururada aan dawliga ahayn, urur goboleedka IGAD, ayaa ka wada hadlay xoojinta habka isku xirka xuduudaha, horumarinta ka hortagga cudurrada faafa ee xuduudaha, iswaafajinta ilaalinta cudurrada.
Kulanka ayaa waxay ay saddexdaasi dal ku gaareen is-afgarad guud oo ku saabsan baahida loo qabo xoojinta isku-dubbaridka xuduudaha iyo hindisaha iskaashiga Dhulka saddex-geesoodka ah ee ay ku kulmaan Itoobiya, Kenya iyo Soomaaliya, oo loo yaqaan Saddex Xagalka Mandheera oo ah xudunta ganacsiga iyo is dhaafsiga xoolaha oo muhiim u ah quudinta Geeska Afrika.
Ugu dambeyn, Shirka ayaa gabagabadii lagu sameeyay guddi ka socda saddexda dal oo ka shaqeyn doona horumarinta xuduudaha saddexda dal.
Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com





