Friday, April 17, 2026
28.1 C
Mogadishu

Dalalka Jaamacadda Carabta oo taageeray go’aankii Maxkamadda Caddaaladda ee ICJ

Qaahira (Halqaran.com) – War-murtiyeed kasoo baxay shirka Baarlamaanka Jaamacadda Carabta ayaa lagu soo dhaweeyay go’aankii Maxkamadda Caddaaladda ee ICJ, kaas oo Soomaaliya loogu xukumay dhul-badeedkii ay Kenya ku muransanaayeen sanado badan, sidoo kalena looga hadlay doorashada Soomaaliya.

War-murtiyeedka ayaa sidoo kale looga hadlay xaaladda amni iyo midda doorasho ee Soomaaliya, iyaga oo sheegay inay garab taagan yihiin Dowladda Soomaaliya.

Xildhibaan Maxamed Cumar Dalxa oo kamid ah Xildhibaannada Shirka ka qeyb galay ayaa sheegay in shirka sidoo kale diirada lagu saaray dagaalka ay dowladda kula jirto Ururka Al-Shabaab si guud ahaan dalka ay ula wareegtay.

Sidoo kale, waxaa uu hadalkiisa raaciyay in Baarlamaanka dalalka Jaamacadda Carabta ay sheegeen inay dowladda Soomaaliya gacan ka siinayaan howlaha doorashooyinka ee haatan socda.

Si kastaba, Baarlamaanka dalalka Jaamacadda ayaa sanad walba waxaa ay yeesheen shir ay uga hadlayaan xaaladaha ku soo kordha dalalka Carabta, iyaga oo diirada saara sidii looga gudbi lahaa dhibaatooyinka kajira waddamada Carbeed.

Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

spot_img

More like this

Discipline: Anshax&Nidaamku waa Buundada U Dhaxaysa Himilada iyo Guusha.

  Fahamka guud ee "Discipline"  Nidaamka iyo Edebta,Qof ka iyo Bulshada. Qormadaani waxay si cilmi ah u falanqeynaysaa macnaha...

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya?

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya? Tan iyo markii  Dowladdii Dhaxe ee ugu  awooda badneyd  dowladaha Soomaray dhulka...

Maxkamadda Sare oo dil toogasho ah ku riday Sayid...

MUQDISHO(Halqaran.com)-Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta ku dhawaaqday go’aankeeda ku saabsan dacwaddii Eedaysane Sayid-Cali Macallin...