Tuesday, April 21, 2026
29.6 C
Mogadishu

Dalal ay Soomaaliya ka mid tahay oo Wajahaya macluul aad u daran

Muqdisho (Halqaran.com) – Hay’adda Cunnada Adduunka ee WFP ayaa waxa ay sheegtay in 20 malyan oo qof oo ku nool waddamada Somaaliya, Kenya iyo Itoobiya ay dhammaadka sanadkan macluul halis ugu jiraan.

Hay’adaha gargaarka ayaa sheegaya dhibaatada abaarta ee ka taagan dalka Soomaaliya iney tahay tii ugu xumeyd muddo 40 sana ah.

Dadkii ku noolaa tuulooyin dhan ayaa guryahooda ka qaxay iyagoo raadinaya biyo, cunto iyo dawo.

Hay’aduhu waxaa kale oo ay sheegeen carruur badan iney nafaqa darro u dhinteen, halka ay qaarkoodna la soo darseen dhibaatooyin maskaxeed.

Beerihii ayaana wax dalag ah kasoo go’in, waxaan waddooyinka daadsan bakhtiga xoolaha ay abaarta laaysay.

Waxaa ku jiraa kumanaan carruur ah oo aysan cidna wehlin oo ku sugan xeryaha barakacayaasha., waxaana carruurta daryeelayaa walaalahood ka weyn maadama waalidiintooda ay biyo iyo baad u raadsadeen magaalooyinka halka hooyooyin badan ay la daalaa dhacayaan heerka nafaqa darrada oo sare u kacay kaas oo saameeyay carruurta.

Haatan dhimasho ayaa lasoo sheegayaa, mid kamid ah xeryaha barakacayaasha , waxaa ku dhintay ugu yaraan 26 carruur ah intii u dhexeysay bilihii May iyo June, sida ay sheegayaan warbixinada laga helayo halkaas.

Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

spot_img

More like this

Discipline: Anshax&Nidaamku waa Buundada U Dhaxaysa Himilada iyo Guusha.

  Fahamka guud ee "Discipline"  Nidaamka iyo Edebta,Qof ka iyo Bulshada. Qormadaani waxay si cilmi ah u falanqeynaysaa macnaha...

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya?

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya? Tan iyo markii  Dowladdii Dhaxe ee ugu  awooda badneyd  dowladaha Soomaray dhulka...

Maxkamadda Sare oo dil toogasho ah ku riday Sayid...

MUQDISHO(Halqaran.com)-Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta ku dhawaaqday go’aankeeda ku saabsan dacwaddii Eedaysane Sayid-Cali Macallin...