Ecuador (Halqarna.com) – Waxaa la shaaciyay tirada dhimashada dalka Ecuador, iyadoo markii hore aheyd 403, balse kiisaska tirada dhimashada ee cusub ee hal gobol ayaa gaartay kumanaan ruux.
Dowladda Ecuador ayaa sheegtay in 6,700 oo qof ay gobolka Guayas ku dhinteen labadii toddoobaad ee ugu horreysay bishan April.
Guayas ayaa ah magaalada ugu weyn dalkaasi, aad ayuuna u saameeyay xanuunkan dunida halakeeyay.
Dowladda ayaa waxa ay sheegtay in maamulka uu awoodi kari waayay inuu hayo oo xakameeyo tirada dhimashada ee sare u kacday, taasi oo sababtay in meydadka oo lagu duubay marooyin ay iska yaallaan guryaha qoysaskooda iyo xitaa waddooyinka.
Ecuador ayaa toddobaadkii hore bilowday iney qeybiso kumanaan naxashka meydka lagu qaado.
Sidoo kale, waxaa la sameeyay nambar ay ka wacdaan dowladda si looga caawiyo in meydka laga qaado.
Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com






