Tuesday, January 13, 2026
24.4 C
Mogadishu

Dagaal culus oo dhexmaray Ciidamada DF Somaliya iyo Al-Shabaab & Wararkii ugu damb…

Gedo (Halqaran.com) – Waxaa faah-faahin ka soo baxaya dagaal u dhaxeeyay Ciidamada Dowladda Federalka Soomaaliya, Ciidanka Itoobiya oo isku dhinac ah iyo Maleeshiyaadka Ururka Shabaab oo weerar culus xalay ku qaaday Saldhigyada Ciidamada ay kaga sugan yihiin Degmada Burdhuubo ee Gobolka Gedo.

Dagaalkan oo xalay saqdii dhexe dhacay ayaa wuxuu ku bilowday rasaasta culus oo Al-Shabaab ay la beegsadeen Saldhigyada Ciidamada ay ku sugan yihiin, waxaana xigay in Ciidamada Itoobiya iyo kuwa DF Soomaaliya ay iska caabiyaan dagaalka kaga yimid dhanka Al-Shabaab.

Guddoomiye ku xigeenka degmada Buurdhuubo ee Gobolka Cabdiraxmaan Cabdullaali Cali ayaa sheegay inay ka warhayeen xogta weerarka kaag soo wajahan Ururka Al-Shabaab, isla markaana ay iska difaaceen Ciidamada Dowladda iyo kuwa Itoobiya khasaarana ku gaarsiiyeen Al-Shabaab.

Inkastoo uusan sheegin tiro rasmi ah oo Shabaabka ay kaga dileen dagaalkii Degmada Buurdhuubo ee Gobolka Gedo, ayaa haddana wuxuu sheegay Khasaarahaasi inay gaarsiiyeen Ciidamadii weerarka soo qaaday.

Waxaa hadda deggan xaaladda Degmada Buurdhuubo, waxaana Ciidamada iyaga oo wata gaadiidka dagaalka ay ku faafeen duleedyada Degmadaasi oo saaka ay ka wadaan hawlgalo culus.

Dhanka kale, Ururka Al-Shabaab oo ka hadlay dagaalkaan waxa ay sheegteen Khasaare Xooggan ay ku gaarsiiyeen Ciidamada DF Soomaaliya iyo Ciidanka Itoobiya ee dagaalka ay ku qaadeen.

Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

spot_img

More like this

Discipline: Anshax&Nidaamku waa Buundada U Dhaxaysa Himilada iyo Guusha.

  Fahamka guud ee "Discipline"  Nidaamka iyo Edebta,Qof ka iyo Bulshada. Qormadaani waxay si cilmi ah u falanqeynaysaa macnaha...

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya?

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya? Tan iyo markii  Dowladdii Dhaxe ee ugu  awooda badneyd  dowladaha Soomaray dhulka...

Maxkamadda Sare oo dil toogasho ah ku riday Sayid...

MUQDISHO(Halqaran.com)-Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta ku dhawaaqday go’aankeeda ku saabsan dacwaddii Eedaysane Sayid-Cali Macallin...