DAAWO WAREYSI – C/wali Gaas “M/weyne Farmaajo wuxuu Ciidanka Qaranka u isticmaalay Siyaasada”

Muqdisho (Halqaran.com) – Ra’iisul Wasaarihii hore ee Soomaaliya, ahna Madaxweynihiii hore ee dowlad goboleedka Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Gaas ayaa sheegay in Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo uu si weyn ugu fashilmay qabashada doorasho lagu wada qanacsan yahay.

Dr. Gaas ayaa sheegay, in dhibaatooyinkii ka dhacay Muqdisho maalmihii la soo dhaafay ay muujiyeen sida uu soo gaabtay mustaqbalka Siyaasadeed Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayna adkaan doonto in Soomaalida ay mar kale aaminto, sida uu ku sheegay wareysi gaar ah uu siiyay Telefeshinka UniversalTV.

Madaxweynihii hore ee Puntland Cabdiweli Gaas ayaa xusay in Madaxweyne Farmaajo Afartii sano ee la soo dhaafay uu si weyn ugu mashquulay burburinta hannaanka Federaalka Soomaaliya oo uu doonayay in uu meesha ka saaro laakiin uu ku fashilmay, sida uu yiri.

Ugu dambeyntii Cabdiweli Gaasi ayaa sheegay in Ciidanka ka tirsan Milatariga Soomaaliya ee kasoo horjeedda muddo kordhinta Madaxweyne Farmaajo ay mudan yihiin taageero, maadaama ay difaacayaan Sharciyadda dowladnimada Soomaaliya.

Halka hoose ka Daawo Wareysiga Dr. Cabdiweli Gaasi oo dhammeystiran:

Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com