Sunday, May 31, 2026
26.1 C
Mogadishu

DAAWO VIDEO: Somaliland oo isku khilaafsan in wafdi ka socda uu tago Kismaayo (Maxa cusub)!

Hargeysa (Halqaran.com) – Xildhibaan Maxamed Axmed Dhakool oo ka mid ah Baarlamaanka Somaliland ayaa ka hor yimid Wafdiga Somaliland ee doonaya inay ka qayb galaan Caleemo saarka Madaxwaynha dowlad goboleedkak Jubbaland, Mudane Axmed Madoobe.

Dhakool ayaa sheegay in aysan Kismaayo u baahnayn Xubno uga taga Somaliland, oo ay halkaasi isku hayaan saddex nin oo ilma adeer ah, wuxuuna Xubanaha Somaliland kula taliyey inay aadaan Deegaanka Ceel-Afwayn oo Colaad Muddooyinkii dambe ay ka jirtay.

Geesta kale, Xildhibaan Dhakool, wuxuu ka difaacay Madaxwaynaha Jabuuti eedaymo uga yimid Feysal Cali Waraabe iyo Xubno ka tirsan Xisbigiisa, Wuxuuna sheegay in Burburkii dalka uu Madaxwayne Geelle gacan wayn siiyey Ganacsatada Somaliland, Islamarkaana aanu mudnayn in lagu Gefo madaxwayne la doortay.

Halka Hoose ka daawo Muuqaalka Xildhibaan Dhakool:

Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

spot_img

More like this

Discipline: Anshax&Nidaamku waa Buundada U Dhaxaysa Himilada iyo Guusha.

  Fahamka guud ee "Discipline"  Nidaamka iyo Edebta,Qof ka iyo Bulshada. Qormadaani waxay si cilmi ah u falanqeynaysaa macnaha...

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya?

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya? Tan iyo markii  Dowladdii Dhaxe ee ugu  awooda badneyd  dowladaha Soomaray dhulka...

Maxkamadda Sare oo dil toogasho ah ku riday Sayid...

MUQDISHO(Halqaran.com)-Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta ku dhawaaqday go’aankeeda ku saabsan dacwaddii Eedaysane Sayid-Cali Macallin...