Wednesday, December 10, 2025
27.4 C
Mogadishu

DAAWO VIDEO: Maxaa ka jira in burburin lagu billaabay qubuuraha caanka ah ee Macallin Nuur?

Muqdisho (Halqaran.com) – Waxaa lagu soo warramayaa in qabuuraha Macallin Nuur ee deegaanka KM 13 ee duleedka Muqdisho lagu billaabay in dib loo fago meydad in ka badan 30 sano halkaasi ay ku aasnaayeen, lama oga cidda fageysa iyo sababta loo burburinayo qubuurahaasi.

Gabar uu dhalay caalinkii weynaa Macalin Nuur oo tobanaan sano ka hor sadaqeysatay dhulka ay ku yaallaan qubuurahaan ayaa warbaahinta u sheegtay in aysan garaneyn cidda ka dambeysa falkaan.

Gabadhaan waxay sheegtay in reer Macalin Nuur aysan waxaba ka ogeyn falkaan, balse ay sameynayaan dad uu hunguri ka galay dhulka ay qubuurahaan ku yaallaan.

Sidoo kale, waxaa halkaas tagtay koox dhalinyaro ah oo ka socda qoyska reer Macalin Nuur, waxayna warbaahinta u sheegeen inay ka hor tegi doonaan falkaan, wixii horay u dhacana ay saxayaan oo qubuuraha la qoday ee dib u aasayaan.

Warbaahinta maxaliga ah ayaa soo bandhigtay burburinta lagu sameeyey qubuurahaas uu dhulkooda sadaqeystay caalimkii weynaa Macalin Nuur, iyadoo banaanka loo soo saaray meydadka dad la aasay tobanaan sano ka hor.

Si kastaba, dad meydadka ehelkoodii geeriyooday banaanka loo soo saaray iyo kuwo garan waayey halkii ay meydka ku aasteen, kadib burburintii lagu sameyey qubuuraha ayaa warbaahinta la hadlay.

Halka hoose ka Daawo Hadallada dadkaasi ee warbaahinta la hadlay:

Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

spot_img

More like this

Discipline: Anshax&Nidaamku waa Buundada U Dhaxaysa Himilada iyo Guusha.

  Fahamka guud ee "Discipline"  Nidaamka iyo Edebta,Qof ka iyo Bulshada. Qormadaani waxay si cilmi ah u falanqeynaysaa macnaha...

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya?

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya? Tan iyo markii  Dowladdii Dhaxe ee ugu  awooda badneyd  dowladaha Soomaray dhulka...

Maxkamadda Sare oo dil toogasho ah ku riday Sayid...

MUQDISHO(Halqaran.com)-Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta ku dhawaaqday go’aankeeda ku saabsan dacwaddii Eedaysane Sayid-Cali Macallin...