Muqdisho (HalQaran.com) – Madaxweynaha JF Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo Talaadada maanta ah khudbad u jeediyay shacabka Soomaaliyeed ayaa ka hadlay xaalada guud ee dalka, gaar ahaan howlgallada ka dhanka ah Al-Shabaab ee ka socdo waddanka.
Mudane Xasan Sheekh ayaa hadal jeedintiisa diiradda ku saaray guulaha laga gaaray howlgalladii ugu dambeeyey ee ka dhacay dalka iyo qabashada degmada Aadan Yabaal.
Wuxuu ugu horreyn boggaadiyey ciidamada Xoogga dalka iyo kuwa deegaanka ee dagaalka adag kula jira Ururka Al-Shabaab, wuxuuna sheegay inay garab taagan tahay dowladda.
Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa waxa uu hoosta ka xariiqay in maanta ay xor tahay degmada Aadan Yabaal, wuxuuna xaqiijiyey in ciidamadu ay si nabdoon kula wareegeen degmadaas.
Sidoo kale, wuxuu intaasi raaciyay daray, in Al-Shabaab ay burburiyeen ceelashii biyaya ee ku yaallay degmadaasi, islamarkaana ay horay u sii afduubteen shacabkii deganaa halkaasi.
“Aadan Yabaal waxay ka siibteen labadii Ceel ku tiilay bambooyinkii biyaha shacabkiina inta afduubeen ayey kaxeysteen,” ayuu yiri madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud.
Halka hoose ka Daawo Muuqaalka Khudbada Madaxweynaha oo dhammeystiran:
Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com





