Saturday, April 18, 2026
29.4 C
Mogadishu

DAAWO VIDEO: Hoggaamiyaha Jabhadda Aare ee Somaliland oo wareysi xasaasi ah bixiyay iyo dagaal ka dhan ah Somaliland

Awdal (Halqaran.com) – Hoggaamiya Jabhad kasoo horjeeda Xukuumadda Somaliland, Suldaan Abuubakar Cilmi Wabar oo howl gasha Gobolka Awdal ayaa Tallaadadii maanta bixiyey wareysi xasaasi ah oo arrimo dhowr ah uu kaga hadlay.

Suldaan Wabar ayaa sheegay in ugu horeyntii ay xukuumadda Somaliland aysan marnaba dhag jalaq u siinin tabashadoodii, taasina ay sii xoojisay dagaalka ka dhanka ah Xukuumada haysa talada Somaliland.

Sidoo kale, Suldaanka ayaa waxa uu sheegay in xukuumada Somaliland ay isku deyday in ay gacanta ku soo dhigto, isla markaana ay disho, balse ay u suurto gali weyday, waa sida uu ka dhawaajiyey.

Wuxuu kaloo xusay Suldaanka, in uusan marnaba waxba ka sugeyn hoggaamiyaha ugu sareeya Somaliland ee Muuse Biixi, maadama uu qarka u saaran yahay in uu kala dareeriyo beelihii Hargeysa, waa sida uu hadalka u dhigaye.

Haddaba Halka hoose ka daawo Muuqaalka Wareysi Xiiso leh:

Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

spot_img

More like this

Discipline: Anshax&Nidaamku waa Buundada U Dhaxaysa Himilada iyo Guusha.

  Fahamka guud ee "Discipline"  Nidaamka iyo Edebta,Qof ka iyo Bulshada. Qormadaani waxay si cilmi ah u falanqeynaysaa macnaha...

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya?

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya? Tan iyo markii  Dowladdii Dhaxe ee ugu  awooda badneyd  dowladaha Soomaray dhulka...

Maxkamadda Sare oo dil toogasho ah ku riday Sayid...

MUQDISHO(Halqaran.com)-Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta ku dhawaaqday go’aankeeda ku saabsan dacwaddii Eedaysane Sayid-Cali Macallin...