Tuesday, June 2, 2026
26.4 C
Mogadishu

DAAWO SAWIRRO: Maxaa ka soo baxay kulankii Madaxweyne Laftagareen uu maanta la qaatay maamulka degmada Waajid?

Waajid (Halqaran.com) – Cabdicasiis Xasan Maxamed (Laftagareen), madaxweynaha Koonfur Galbeed oo maalintii saddexaad booqasho ku joogga Degmada Waajid ee Gobolka Bakool ayaa Arbacadii maanta la kulmay Maamulka Degmada.

Madaxweyne Laftagareen ayaa wuxuu Maamulka Degmada Waajid kala hadlay xaaladda degmada, iyadoona uu warbixino ka dhageysto Masuuliyiinta Degmada ugu sareysa.

Kulankan ayaa waxaa goobjoog ka ahaa Gudoomiyaha Gobolka Bakool, Maxamed Cabdi Tool iyo qaar ka mid ah Guddoomiye Ku-xigeenadiisa.

Madaxweynaha Koonfur Galbeed ayaa waxaa uu maalin ka hor sheegay inay ka shaqaynayan, sidii ay u soo afjari lahaayen noloshada adag ee ka jirta Degmadaasi Waajid.

Sidoo kale, madaxweynaha oo si adag kaga hadlay xaaladda go’doominta ah ee ay degmadaasi ku hayaan maleeshiyada Ururka Al-Shabaab ayaa sheegay inay ka shaqaynayan, sidii ay go’doomintaasi meesha uga saari lahaayen.

Maleeshiyaadka Al-Shabaab ee dagaalka kula jira Dowladda Federaalka iyo Maamul Goboleedyada, ayaa tan iyo sanadkii 2014 go’doominaayay Degmada Waajir, oo xilligaasi ay ka saareen Ciidanka Xoogga Dalka iyo Xoogga Nabad Ilaalinta Midowga Afrika.

Go’doomintan ayaa waxay adkeysay noloshii caadiga aheyd ee ka jirtay Degmada Waajid, iyadoona uu cirka isu shareeray qiimihii caadiga ahaa ee quutul daruuriga iyo shidaalkaba.

Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

spot_img

More like this

Discipline: Anshax&Nidaamku waa Buundada U Dhaxaysa Himilada iyo Guusha.

  Fahamka guud ee "Discipline"  Nidaamka iyo Edebta,Qof ka iyo Bulshada. Qormadaani waxay si cilmi ah u falanqeynaysaa macnaha...

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya?

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya? Tan iyo markii  Dowladdii Dhaxe ee ugu  awooda badneyd  dowladaha Soomaray dhulka...

Maxkamadda Sare oo dil toogasho ah ku riday Sayid...

MUQDISHO(Halqaran.com)-Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta ku dhawaaqday go’aankeeda ku saabsan dacwaddii Eedaysane Sayid-Cali Macallin...