Tuesday, April 21, 2026
31.9 C
Mogadishu

DAAWO VIDEO: ”Haddaan Garowshiiyo laga bixin dhibka jira, Somaliland meel fog baa laga dooni doonaan”!

Burco (Halqaran.com) – Prof. Cali Khaliif Galayr ayaa magaalada Burco uga  qweb galay Shirka Xisbiga Wadani uu Qabsaday, taasoo loogu casuumay “Khaatumo State ahaan ”.

Prof. Galayr wuxuu bogaadin u jeediyey Magaalada Burco, isagoo sheegay inay door fiican ku lahaayeen Taariikhda,  Wuxuuna xusay muhiimada ay leedahay haddii lagu guulaysto Shirarka la doonayo in lagu qabto ee lagu midaynayo Burco.

Wuxuu sheegay inaan laga hari Karin isbadalka iyo Kacdoonka ka socda Geeska Afrika, oo Somaliland saamayn ku leh, Wuxuuna  xusay in Aragti dheer laga sugayo Xisbiyadda inay Karkariyaan Siyaasadda.

Cali Khaliif Galayr ayaa waxa uu ka hadlay xaalada Somaliland, isagoo sheegay inaan la dhayalsan karin Kacdoonada Jabhadaha Awdal iyo Sanaag, “Haddaan la dareemin, haddaan loo dedaalin, Haddaan Garowshiiyo laga bixin dhibaatooyinka jira, Somaliland meel ayaa laga dooni doonaan,” ayuu yiri Galayr.

Khaatumo ayaa horay heshiis aan miro-dhalin waxay ula gashay Somaliland, iyadoona fulinta Heshiiskaasi weli loo fadhiyo.

Halka Hoose Ka Daawo Muuqaalka Cali Khaliif Galeyr:

Xafiiska Halqaran.com, Hargeysa
Halqarannews@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

spot_img

More like this

Discipline: Anshax&Nidaamku waa Buundada U Dhaxaysa Himilada iyo Guusha.

  Fahamka guud ee "Discipline"  Nidaamka iyo Edebta,Qof ka iyo Bulshada. Qormadaani waxay si cilmi ah u falanqeynaysaa macnaha...

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya?

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya? Tan iyo markii  Dowladdii Dhaxe ee ugu  awooda badneyd  dowladaha Soomaray dhulka...

Maxkamadda Sare oo dil toogasho ah ku riday Sayid...

MUQDISHO(Halqaran.com)-Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta ku dhawaaqday go’aankeeda ku saabsan dacwaddii Eedaysane Sayid-Cali Macallin...