Hargeysa (Halqaran.com) – Maayarka magaalada Hargeysa Solteelko ayaa bixiyey waraysi dhinacyo badan Taabanaya, isagoona uga hadlay Waxqabadka Dawladda Hoose ay ka wado magaalada Hargeysa Iyo Qorsheyaal kala duwan oo u degsan.
Maayarka Hargeysa ayaa wax laga waydiiyey Dhaliilaha kala duwan ee dul Hooganaya Dawladda Hoose ee Xamar oo ay ka mid yihiin Qashinka iyo meelaha Biyo mareenka ah oo aan jirin xili roobaadka.
“Waxaa la igu Xasuusan doonaa Dab damiska aan ka sameeyay Hargeisa, Bisadda Hargeisa waxay ka Nasiib badan tahay Qofka Ku Nool Muqdisho, Maalin dhowayd Ciidanku waxay Badbaadiyeen Bisad ku dhacday Suuli, Halka Muqdisho Maalinkasta uu Qarax ka dhaco, oo Naftu ka tahay wax Jilicsan” ayuu yiri Maayarka magaalada Hargeysa Solteelko.
Wuxuu kaloo yiri Solteelko, ‘‘Sidoo kale, waxaa la igu xasuusan doonaa sidoo kale Qalab ay leedahay Dawladda Hoose inaan keenay, Arimaha Caafimaadka, waxbarashada iyo Garoomada.‘‘
Halkan hoose ka Daawo Muuqaalka:
→DAAWO MUUQAALLO KALE ,Sii Akhri Wararka Kale ee Maanta:⇓
DEG DEG: DF Somaliya oo garoonka Muqdisho ku xirtay guddoomiye saaxiib dhow la ah Axmed Madoobe
QISO CAJIIB AH: Gabadhii 25-ka sano oo Jaceyl dartiis qolka loogu xiray!, Kaddib Maxaa dhacay?
XOG: Waa kuma Sarkaalka Al-Shabaabka ah oo ay booliska Kenya ka baadi-goobayaan Nairobi? +Magaciisa
UPDATE: Maxaa ka jira in DF Somaliya ay fasaxday duulimaadyadii Kismaayo? +XOG
Xafiiska Halqaran.com, Hargeysa
Halqarannews@gmail.com