Saturday, May 23, 2026
28.9 C
Mogadishu

DAAWO SAWIRRO: Wasiirro lagu dhaariyay Madaxtooyada Garoowe +(Akhri magacyadooda)

Garoowe (Halqaran.com) – Wasiiru Dowlaha Wasaaradda Waraafinta iyo Wasiir Ku-xigeenka Wasaaradda Duulista Hawada Puntland oo Loo Dhaariyey Xila Wasiiru Dowlaha Wasaaradda Waraafinta, Isgaarsiinta iyo Dalxiiska Cabdifataax Nuur Ashkir iyo Wasiir Ku-xigeenka Wasaaradda Duulista Hawada iyo Garoomada Puntland Cabdicasiis Maxamed Macallin ayaa maanta lagu dhaariyey qasriga Madaxtooyada dowladda Puntland ee Garoowe.

Madaxweynaha Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni ayaa goobjoog ka ahaa dhaarta Wasiirada, waxaana dhaariyey xubin ka tirsan Maxkamadda Sare ee Dowladda Puntland.

Madaxweyne Deni ayaa kula dar-daarmay Wasiirada in ay sugayso shaqo balaaran oo dasduuriya, taas oo ay ugu adeegayaan shacabka Puntland iyo guud ahaan kuwa Soomaliyeedba, Isla’ markaana waxa uu Madaxweynuhu ku adkeeyey inay ka feejignaadaan waxkasta oo hoos u dhac ku keenaya shaqadooda, taas oo ay maanta ku dhaarteen magaca Alle inay shacabkooda ugu shaqeeyaan si daacad ah oo danta, dalka iyo diintu ku jirto.

Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Saciid Cabdullaahi Deni ayaa Alle uga baryey Wasiirada cusub in uu ku asturo shaqadooda, uuna ka yeelo kuwo si daacad ah, sinaan iyo cadaalad ah uga soo baxa masuuliyadda loo igmaday.

Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

spot_img

More like this

Discipline: Anshax&Nidaamku waa Buundada U Dhaxaysa Himilada iyo Guusha.

  Fahamka guud ee "Discipline"  Nidaamka iyo Edebta,Qof ka iyo Bulshada. Qormadaani waxay si cilmi ah u falanqeynaysaa macnaha...

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya?

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya? Tan iyo markii  Dowladdii Dhaxe ee ugu  awooda badneyd  dowladaha Soomaray dhulka...

Maxkamadda Sare oo dil toogasho ah ku riday Sayid...

MUQDISHO(Halqaran.com)-Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta ku dhawaaqday go’aankeeda ku saabsan dacwaddii Eedaysane Sayid-Cali Macallin...