Friday, June 19, 2026
26.9 C
Mogadishu

DAAWO SAWIRRO: Sidee Madaxweynaha Jubbaland Axmed Madoobe maanta loogu soo dhaweeyay Boosaaso?

Boosaaso (Halqaran.com) – Madaxweynaha dowlad goboleedka Jubbaland, Mudane Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe) ayaa Khamiistii maanta gaaray Magaalada Boosaaso ee Xarunta Gobolka Bari.

Axmed Madoobe iyo Wafdigiisa ayaa waxaa si diiran loogu soo dhaweeyay Garoonka Boosaaso, waxaana ku soo dhaweeyay masuuliyiin uu ugu sareeyay Madaxweynaha Puntland, Siciid Cabdullaahi Deni.

Madaxweyneyaasha maamullada Jubbaland iyo Puntland ayaa kulan ku leh Magaalada Boosaaso, kaasoo sida la soo sheegayo looga hadlayo arrimaha siyaasadda dalka iyo weliba amniga.

Labada Madaxweyne ayaa ka mid ah Madaxda Maamul Goboleedyada, ee ay siyaasadda isku hayaan Dowladda Federaalka Soomaaliya.

Sidoo kale, kulankan ayaa waxaa uu ku soo aadayaa, iyadoo maalmaha ina soo aadan ay Magaalada Dhuusamareeb ka dhacayan Doorashooyinka Guddoonka Baarlamaanka iyo midda Madaxtooyada.

Socdaalka Madaxweynaha Jubbaland Axmed Madoobe uu ku tagay Boosaaso ayaa waxaa laga hadalhayaa Magaalada iyo guud ahaan deegaannada Puntland.

Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

spot_img

More like this

Discipline: Anshax&Nidaamku waa Buundada U Dhaxaysa Himilada iyo Guusha.

  Fahamka guud ee "Discipline"  Nidaamka iyo Edebta,Qof ka iyo Bulshada. Qormadaani waxay si cilmi ah u falanqeynaysaa macnaha...

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya?

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya? Tan iyo markii  Dowladdii Dhaxe ee ugu  awooda badneyd  dowladaha Soomaray dhulka...

Maxkamadda Sare oo dil toogasho ah ku riday Sayid...

MUQDISHO(Halqaran.com)-Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta ku dhawaaqday go’aankeeda ku saabsan dacwaddii Eedaysane Sayid-Cali Macallin...