Qaahira (Halqaran.com) – Baarlamanka dalalka Carbeed oo ay Soomaaliya xubin ka tahay ayaa bayaan uu soo saaray si buuxda u taageeray ilaalinta midnimada iyo wadajirka dalka iyo dadka Soomaaliyeed.
Baarlamanka ayaa qoraalkiisa ku sheegay in ay si kulul u cambaareynayaan faragelin walba oo dibadeed oo ka dhan ah arrimaha gudaha Soomaaliya.
Waxa uu baarlamanku hoosta ka xariiqay in ay lagama maarmaan tahay in isha lagu hayo hubka sida sharci darrada ah dalka lagu geliyo isaga oo beesha caalamka iyo golaha ammaanka Qaramada Midoobayna ugu baaqay in Dowladda Soomaaliya laga qaado cunaqabataynta hubka ee muddada dheer saaran si ay dowladdu ula dirirto kooxaha argagixisada ee dalka dhibaatada ka wada.
Sidoo kale baarlamanka dalalka Carbeed ayaa ku baaqay in gacan la siiyo dhallinyarada Soomaaliya loona abuuro shaqooyin ay noloshooda ku maareeyaan si loo yareeyo culaysyada ka haysta nolosha sida caafimaadka iyo tacliinta loogana badbaadiyo in ay ku biiraan shabakadaha argagixisada.
Ugu dambeyn, wuxuu baarlamaanku ku boorriyay dalalka carbeed in kaalmo xoog leh la gaaraan qoysaska tabaaleeysan ee Soomaaliyeed ee ku sugan gobollada qaarkood, kuwaasoo dhawaan ay ku dhufteen fatahaado xoog leh oo baabi’iyay hantidoodii oo idil.
Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com