Wednesday, December 10, 2025
27.4 C
Mogadishu

Baarlamaanka Carabta Bayaan uu soo saaray oo si buuxda ugu taageeray ilaalinta Midnimada Soomaaliya

Qaahira (Halqaran.com) – Baarlamanka dalalka Carbeed oo ay Soomaaliya xubin ka tahay ayaa bayaan uu soo saaray si buuxda u taageeray ilaalinta midnimada iyo wadajirka dalka iyo dadka Soomaaliyeed.

Baarlamanka ayaa qoraalkiisa ku sheegay in ay si kulul u cambaareynayaan faragelin walba oo dibadeed oo ka dhan ah arrimaha gudaha Soomaaliya.

Waxa uu baarlamanku hoosta ka xariiqay in ay lagama maarmaan tahay in isha lagu hayo hubka sida sharci darrada ah dalka lagu geliyo isaga oo beesha caalamka iyo golaha ammaanka Qaramada Midoobayna ugu baaqay in Dowladda Soomaaliya laga qaado cunaqabataynta hubka ee muddada dheer saaran si ay dowladdu ula dirirto kooxaha argagixisada ee dalka dhibaatada ka wada.

Sidoo kale baarlamanka dalalka Carbeed ayaa  ku baaqay in gacan la siiyo dhallinyarada Soomaaliya loona abuuro shaqooyin ay noloshooda ku maareeyaan si loo yareeyo culaysyada ka haysta nolosha sida caafimaadka iyo tacliinta loogana badbaadiyo in ay ku biiraan shabakadaha argagixisada.

Ugu dambeyn, wuxuu baarlamaanku ku boorriyay dalalka carbeed in kaalmo xoog leh la gaaraan qoysaska tabaaleeysan ee Soomaaliyeed ee ku sugan gobollada qaarkood, kuwaasoo dhawaan ay ku dhufteen fatahaado xoog leh oo baabi’iyay hantidoodii oo idil.

Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

spot_img

More like this

Discipline: Anshax&Nidaamku waa Buundada U Dhaxaysa Himilada iyo Guusha.

  Fahamka guud ee "Discipline"  Nidaamka iyo Edebta,Qof ka iyo Bulshada. Qormadaani waxay si cilmi ah u falanqeynaysaa macnaha...

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya?

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya? Tan iyo markii  Dowladdii Dhaxe ee ugu  awooda badneyd  dowladaha Soomaray dhulka...

Maxkamadda Sare oo dil toogasho ah ku riday Sayid...

MUQDISHO(Halqaran.com)-Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta ku dhawaaqday go’aankeeda ku saabsan dacwaddii Eedaysane Sayid-Cali Macallin...